Ujeeddada Socdaal ay dalka ku yimaaddeen Wefti heer wasiiro ah oo ka socda Dalka Jabuuti

Hargeysa (SLpost)- Wefti balaadhan oo ka kooban Afar Wasiir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socda dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa maanta booqasho ku yimid Caasimada dalka ee Hargaysa.

Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Cadaalada Jamhuuriyada Jabuuti Cali Faarax Casoowe, waxa xubno ka ah Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka xukuumadda Jabuuti Cali Xuseen Axmed, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Deegaanka Xasan Cumar Maxamed, Wasiirul dawlaha Miisaaniyada Amare Siciid Cali,Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Jabuuti Jaamac Xayd iyo Cali Cabdi Faarax oo ka mid ah Baarlamanka Jabuuti isla markaana ahaa Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta ee Jamhuuriyada jabuuti.

Weftigan waxa madaarka Hargeysa ku qaabilay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur, Warfaafinta Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe,Hawlaha guud Md. Axmed Cabdi Xaabsadde, Cadaaladda Md. Xuseen Axmed Caydiid, Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Samaalle, iyo madax kale.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Jamhuuriyada Jabuuti Cali Faarax Casoowe, oo warbaahinta kula hadlay madaarka Cigaal International Airport, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin socdaalkooda Somaliland, waxaanu tilmaamay inay ka qeyb galayaan furitaanka faraxa wershadda weyn ee Coca Cola ee Somaliland Beverage Industry (SBI) oo maalinta Barri ah si rasmi ah xadhiga looga jarayo.

Wefti heerkiisu sareeyo oo ka socda dalka Jabuuti ayaa lagu soo marti-qaaday furitaanka warshadda weyn ee sharaabka Somaliland Beverage Industry (SPI) ee ku taala deegaanka Jaleelo ee waqooyiga Hargeysa warshadaasi oo ka hirgeliyay muwaadin Axmed Cismaan Geelle oo haysta jinsiyadaha Somaliland Iyo Jabuutiba.

Wasiirku wuxuu sheegay inay marti qaad ka heleen Ganacsadaha warshadan leh Axmed Cismaan Geelle oo labadda dal ee Somaliland iyo Jabuutiba ka hawl-gala.

Md. Casoowe wuxuu intaas ku daray in socdaalkoodu qaadan doono muddo laba maalmood ah,isagoo u mahad celiyay Wasiiradda tiradda badan ee soo dhaweeyay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net