Ujeeddada Socdaal aan hore loo shaacin oo madaxweyne Siilaanyo Gelinkii Dambe ugu baxay Dalka Itoobiya (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta gelinkii dambe Safar kedis ah oo aan hore loo sii shaacin ku ugu amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha waxa Safarka ku wehelinaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire, Marwada Madaxweynaha Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde iyo iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Md. Axmed Cali Axmed.

099A4000Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire oo warbaahinta la hadlay ka hor intii aanay ka dhoofin gegida diyaaradaha ee Hargeysa oo sharraxaad ka bixiyey ujeeddada socdaalka madaxweynaya, ayaa sheegay in Md Siilaanyo kulan la qaadan doono Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN