Ujeeddada Shirar ka socda Badhan, khilaaf kulamadii u dambeeyey hadheeyey iyo go’aamo culus oo maanta la filayo inay ka soo baxaan

Hargeysa (SLpsot)- Suldaan Siciid Cabdisalaam Maxamuud Cali Shire, ayaa ku fashilmay qorshe uu doonayey in Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland lagu taageero, ka dib markii ay rabitaankiisa si weyn uga soo horjeesteen Madax-dhaqmeedka deegaannada gobolka Badhan, iyaga oo Madax-dhaqameedka iyo Suldaan Siciid isku fahmi-waayeen Shirar googgoos ah oo maalmihii u dambeeyey ku lahaayeen Magaalo-madaxda gobolkaas ee Badhan.

Guddoomiyaha gobolka Badhan IYO SULDAAN SICIIDMadax-dhaqameedka gobolka Badhan iyo deegaannada ku xeeran, ayaa iyagu isugu yimi Shir lagaga hadlayo arrimo la xidhiidha adkaynta nabadgelyada iyo xidhiidh u jarista Maamul-goboleedka Punland ee Soomaaliya, kaasoo maanta ay go’aammo culus oo wax ku ool ahi ka soo bixi doonaan, sida uu Wargeyska Himilo u xaqiijiyey Boqor Cabdikariin Cali Garaad oo isagu hoggaaminaya Madaxda Dhaqanka, Odayaasha iyo Wax-garadka ku gacan-saydhay qorsha uu Suldaan Siciid watay ee uu doonayey in Puntland lagu taageer.

Boqor Cabdikariin Cali Garaad oo isagoo jooga magaalada Badhan khadta taleefanka xalay ugu warramay Cabdifataax I. Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo, ayaa sheegay ujeeddada shirka la filayo inay maanta go’aammada ka soo saaraan yahay mid la xidhiidha nabadgelyada guud ee gobolka iyo deegaannadiisa. “Shirku shir wax kale ku saamsan maaha, waa Shir aannu kaga tashanayno sidii nabadgelyada guud ee gobolka iyo deegaannada Xadka loo sugi lahaa, isla markaana aanu wax dagaal ahi halkan uga dheceen. Shirkaasi si fiican buu noogu socdaa maalinta Berri ah (maanta), ayaannu Shirka weyn yeelanaynaa, shirkaasna waxaannu ka soo saari doonnaa go’aammo lagu xoojinayo nabadgelyada, Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland, isla markaana xidhiidhka aannu ugu jarayno Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo isku dayaya inuu deegaannadan Bariga Somaliland soo faro-geliyo.” Sidaa ayuu yidhi Boqor Cabdikariin Cali Garaad oo ka jawaabayey su’aal aannu ujeeddada shirkaas ka weydiinney.

Boqor Cabdikariim oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in Shirar ay labadii maalmood ee ugu dambeeyey Madax-dhaqan ahaan ku yeesheen magaalada Badhan in khilaaf hadheeyey oo lagu kala kacay, waxa uu yidhi; “Dhibaato kale iyo khilaaf shirarka aannu maanta shalay iyo shalay (dorraad) yeelannay hadheeyey ma jiraan, hase-ahaatee, nin Suldaan Siciid la yidhaahdo oo Maamulka Puntland u adeegaya iyo Shaqsiyaad uu wato, ayaa isku dayey inay shirka Carqaladeeyaan, isla markaana waxaannu ka diidnay in Warbaahinta laga hadlo iyo in Puntland Shirkaa wax u dan ah lagaga hadlo, markaa isaga iyo shaqsiyaadka uu wato ayaa ka soo horjeestay in Puntland xidhiidhka loo jaro oo ka baxay shirka. Laakiin, haddaannu nahay Madaxda Dhaqanka gobolka iyo guud ahaan deegaannada Beeshu (Warsan-geli) isaga yimi waannu ku gacan-saydhay qorshihiisa, isla markaana waxa ay isaga iyo Puntland wataan toona waxba ka socon maayaan, waxaanannu go’aansannay in Puntland xadhiidhka si toosa loogu jaro.”

Mar uu Boqor Cabdikariim la weydiiyey khilaafka Madax-dhaqameed ahaan  idin soo dhex-galay miyaanu kala qaybsanaan ku keenaynin dadka deegaanka iyo Madax-Dhaqameedka laftooda, waxa uu ku jawaabay; “Maya! Wax kala qaybsanaan ahi ma jiraan, Suldaan Siciid-na waxa uu ka dhigan yahay nin Shir ka kacay Siiga-yaraa oo wax saamayn ah iyo wax kala qaybsanaan ah toona naguma keenayo haddaannu Madaxda Dhaqanka nahay. Waxa jira shaqsiyaad Maamulka Puntland ka lacag qaata oo deegaanka u dhashay oo u sheega inay iyaga gobolka uga Wakiil yihiin, kuwaasna waxaannu leenahay waar dadkiinna iyo dalkiinna wax la wadaaga, haddii ay taa ka hor yimaaddaanna waxaannu leenahay halkani waa Somaliland ee deegaan Puntland aad uga wakiil noqotaan dhulka uu Maamulkaasi ka taliyo ayaa idiinku sokeeya.”

“Waxaanannu doonaynaa oo aannu go’aammada shirka ku soo dari doonnaa in Ciidammada ay Maamulka Puntland iyo dawladda Somaliland fadhiisimmadoodii ka soo saareen ee ay is-hor-fadhiisiyeen aannu leenahay halla kala qaado goobohoodii hallagu celiyo, xaaladdana mid nabadgelyo hallagu soo celiyo.” Sidaa ayuu yidhi Boqor Cabdikariin Cali Garaad.

Suldaan Siciid Cabdisalaam Maxamuud Cali Shire oo aannu isku daynay inaannu dhiniciisa wax ka weydiinno Shirarkan iyo guul-darrada uu kala kulmay qorshihiisii ahaa in Puntland la taageero, ayaanay noo suuragelin inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii uu naga qaban waayey Taleefankiisa gacanta oo aannu dhawr jeer oo kala duwan ka wacnay xalay.

Guddoomiyaha gobolka Badhan Cabdixakiim Axmed Maxamuud oo Weriye Cabdifataax I. Mursal isagana khadka taleefanka uu wax kaga weydiiyey shirarkaas ka socda Badhan ee Madaxda Dhaqanku isku khilaafeen waxa ay kala socdaan iyo sida ay ula socdaan, ayaa isagoo ku sugan magaalada Badhan waxa uu sheegay inay maamul ahaan si fiican ula socdaan shirarkaas iyo ujeeddada ay salka ku hayaanba.

“Shirarka Maamul ahaan waannu la soconnaa, oo gobolku waa gobolkii aannu dawladda Somaliland Masuulka uga ahayn, markaa wax kasta oo ka socda waannu la soconnaa, shirarkanna nabadgelyo ahaan iyo dhaqdhaqaaq ahaanba si dhaw baannu ula soconnaa. Hase-yeeshee, ma doonayo inaan ka hor-dhaco oo Shirka iyo go’aammadiisa-ba waxa loo ballansan yahay Berri (Maanta).” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Badhan Cabdixakiim Axmed Maxamuud oo ka jawaabayay su’aasha shirarkaas laga weydiiyey.

Waxaanu Guddoomiyaha gobolka Badhan oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Markaa, shirar ay Madax-dhaqameedka gobolku nabadgelyada iyo dantooda kaga tashanayaan weeye, kollay Madaxda Dhaqanka qaar cid kale u adeegayaana way ku jiraan. Laakiin, muhiimaddu waxa weeye dadku waxay doonayaan oo Madax-dhaqameedkuna ay ka turjumayaan, go’aammo fiican baanannu rejaynaynaa inay ka soo baxaan Shirka berri (maanta), wax intaa ka badan oo aan kaaga sheegi karayaa ma jiraan.”

XIGASHO: HIMILO