Ujeeddada Shir lagu martiqaaday oo Guddoomiyaha UCID kaga Qayb-galayo Dalka Mexico

Mexico (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Somaliland Ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa socdaal ugu Ambo-baxay caasimadda Wadanka Mexico ee qaaradda Latin America, halkaas oo uu kaga qayb galayo Shirweynaha Axsaabta siyaasadda adduunka ee xubnaha ka ah   Dallada Ay ku bahoobeen Xisbiyada Adduunku ee loo yaqaan The Socialist International (SI).

Faisal Socialist republicGuddoomiyaha UCID oo xisbigiisu xubin ka yahay Dallada loo soo gaabiyo SI (socialist International) ayaa isaga oo metelaya dalkan Somaliland waxa uu Shirweynaha kaga qayb galayaa magaaladda Mexico City ee Caasimadda dalkaasi Mexico halkaasoo uu ka furmi doona 30-ka bishan June illaa 01-da July ee sanadkan, iyadoo khudbadda furitaanka uu shirkaasi ka jeedin doono Madaxweynaha dawladda wadanka Mexico Mr. Enrique Peña Nieto.

Guddoomiyaha oo galabnimadii Khamiistii ee toddobaadkii inna dhaafay dalka ka ambo baxay isaga oo ku sii jeedda dalkaas Mexico ayaa waxa uu ku sii hakaday dalka Ethiopia.

Sida lagu shaaciyey Marti-qaadka guddoomiyaha UCID oo uu ku saxeexan yahay Xog-hayaha guud ee Dalladan, Mr. Luis Ayala, waxa shirka ajendihiisu koobsanayaa Arrimo kala duwan oo khuseeya xaaladda dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, Ammaan iyo degennaansho ee dunida.

 

Nuxurka Shirweynaha iyo Qoddobada ku suntan Marti-qaadka xubnaha iyo weliba AJendaha lagaga hadli doono, HALKAN KA AKHRISO…..

[gview file=”https://somalilandpost.net/wp-content/uploads/2014/06/Somaliland-JWP-Inv.MexicoCouncil.pdf”]

[gview file=”https://somalilandpost.net/wp-content/uploads/2014/06/1-Agenda-Eng.pdf”]

[gview file=”https://somalilandpost.net/wp-content/uploads/2014/06/2-Technical-Info-Guests.pdf”]