Ujeeddada Safar Tuhunno badan ka dhasheen oo Hargeysa ay ku yimaaddeen Madax-dhaqameed iyo Odayaal ka dhuumasho kaga yimi magaalada Muqdisho

Somalilandpost NewsHargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa, ayaa waxa maanta galinkii dambe soo gaadhay Odayaal dhaqameed tiro badan oo ka socda Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Odayaashan oo ka socda beesha Hawiye isla-markaana maanta ka soo degay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaan haba yaraatee wax macluumaad ah ka bixin socdaalkooda iyaga oo si dhuumasho loo geeyey Hotel-ka ay deggen yihiin Hargeysa.

Odayaashan oo tiradoodu gaadhay ilaa Kontomeeyo, ayaa sidoo kale markii ay ka soo baxayeen magaalada Muqdisho, haba yaraatee wax hadal ah ka odhan ujeeddada safarkooda Hargeysa.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo u dhuun-daloola socdaalkooda, ayaa sheegaya in socdaalkooda ka madax-bannaan yahay arrimo siyaasadeed isla markaana ay u kuur-galayaan guulaha dhinaca Nabad-gelyada, Horumarka iyo Dimuqraadiyadda ee ka jira Somaliland.

Warku waxa uu intaas ku daray inay Odayaashani kulamo la qaadan doonaan madax-dhaqameedka Somaliland iyo sidoo kale Golaha Odayaasha ee Baarlamaanka Somaliland.

Safarka odayaal dhaqameedkani ku yimaadeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaan ilaa hadda waxa aan ka hadal xukuumadda Somaliland iyo Madax-dhaqameedka dalka, balse waxa la filayaa in ilaa Khamiista berri ay xukuumaddu ka hadasho.

Somalilandpost.net/Hargeysa