Ujeeddada Saddex Xeer oo Guddiga Sare ee Cadaaladda Somaliland u soo bandhigeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo faahfaahinta Kulan dhexmaray 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan muhiima la qaatay  hoggaanka maxkamadda sare iyo xubno kamid ah bahda garsoorka Somaliland.

Kulankan madaxweynuhu la qaatay Maxkamadda sare iyo bahda garsoorka ayaa ah kii u horeeyey ee ay madaxweynaha ugu yimaadaan intii uu xilka la wareegay madaxweynuhu, waxaana laga wada hadlay oo mudnaanta koowaad la saaray sida ay u socoto hawsha maxkmadda sare iyo bahda garsoorka Somaliland.

IMG_0626Waxa kale oo kulanka lagaga wada hadlay muhiimadda iyo mudnaanta ay leedahay maxkamadda sare iyo doorka ay ka qaadato hawlaha qaranka ee ay hayso, waxaanay madaxweynaha u soo jeediyeen xeerar dhawr ah oo baahi gaar ah u qabtaan inuu wax kala qabto, kuwaas oo kala ah:

–          Xeerka xuquuqda garsoorka

–          Xeerka Nidaamka garsoorka

–          Xeerka Maxkamadda sare

Waxa kale oo lagu soo qaaday kulanka arrinta fulinta xukunnada ay fuliso maxkamaddu sidii loo dhaqan gelin lahaa, waxa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo kordhin lahaa Bajadka, mushahaarooyinka maxkamadda sare, gaar ahaan iyo bahda garsoorka.

IMG_0001Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Biixi waxa uu soo dhaweeyey kuna ammaanay, kuna hambalyeeyey shaqada maxkamadda sare iyo bahda garsoorku u hayaan qaranka iyo shacbigiisa, waxaanu ku sii adkeeyey inay halkaa ka sii wadaan hawlaha qaran ee ay hayaan, waxaanu u sheegay inuu ku qanacsan yahay sida ay u gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu u muujiyey taageero buuxda bahda garsoorka, isagoo u ballan qaaday inuu gacan weyn ka geysan doono guud ahaan arrimaha garsoorka iyo caddaaladda,  ha noqoto wixii kulanka lagaga wada hadlay ama wixii ka baxsanba, xukuumaddana ay ka go’an tahay tayeynta iyo kor u qaadida nidaamka garsoorka iyo caddaaladda, Isagoo mar kale ku dhiirrigeliyey inay doorka muuqda ee ay hayaan sii xoojiyaan, siina libin laabaan oo halkaa ka sii wadaan hawlaha qaranka.