Ujeeddada Mudaharaad maanta ka dhacay magaalada Laascaanood

 

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxa gelinkii hore ee maanta bannaan-bax cabasho ah ka sameeyey Xoogsatada ka ganacsata Hilibka oo mudaharaad salmi ah ka sameeyey Jidadka magaalada.

Xoogsatada bannaan-baxa sameeyey oo haween u badnaa, ayaa ujeeddada bannaan-baxoodu la xidhiidha cabasho ay ka muujinayaan wax ay ku sheegeen in shirkado ajaanib ah oo garab ka helaya ganacsatada magaaladaasi ay kala wareegeen shaqada iyo ka-ganacsigii Hilibka.

Ganacsatada Danyarta ah oo saxaafadda la hadlay, waxa ay baaq u direen maamulka gobolka Sool iyo Kan degmada Laascaanood oo in si degdeg arrintooda wax looga qabto u soo jeediyeen.

Warkan oo faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose

https://www.youtube.com/watch?v=YUwUW18mw6w