Ujeeddada Kulan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Burco uga Furay Badhasaabbada iyo Madax-dhaqameedka Shan Gobol

Burco (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde,ayaa Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco ka furay kulan ballaadhan oo lagu xoojinayay ammaanka dalka.

Ujeeddada Kulan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Burco uga Furay Badhasaabbada iyo Madax-dhaqameedka Shan GobolKulanka lagu qabtay magaalada Burco waxa ka soo qayb galeen badhasaab-bada gobolada Sool,Sanaag, Saaxil,Togdheer, Daadmadheedh iyo Gabilay iyo madax-dhaqameed gobolladaas ka socday.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada kulanku tahay mid faa’iido dhinaca ilaalinta ammaanka ah u leeyahahay shacabka Somaliland.