Ujeeddada Kulan Madaxweyne Siilaanyo isugu yeedhay Salaadiinta Dalka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan qado sharaf la qaatay salaadiinta Somaliland ee ku sugan caasimadda.

Kulanka oo madaxweynuhu salaadiinta kula qaatay qasriga madaxtooyada, ayaa waxaa sidoo kale ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka madaxweynaha iyo Salaadiinta (1)Kulankaasi ayaa lagaga wada hadlay sidii marxaladda haatan dalku marayo si wada jir ah looga wada shaqayn lahaa. Madaxweyne Siilaanyo ayaa kulankaa ka sheegay in waxii tabashooyin ah ee jira wax ka qabashadooda ay xukuumaddu diyaar u tahay.

Sidoo kale, Kulankaas Madaxweyne Siilaanyo ku marti-qaaday Salaadiinta Somaliland, ayaa ku saabsanaa in madax-dhaqameedku xukuumadda kala qayb-qaato dejinta khilaafaadka iyo gol-daloolooyinka ay doorashadii deegaanku kaga dhextagay Shacbiga Somaliland.

Dhinaca kale, Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil, Suldaan Naasir Suldaan Cabdi, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Cismaan Suldaaan Cali Madar iyo Suldaan Axmed Daahir Muuse, oo ku hadlayey magaca madax-dhaqameedka kale ee kulanka ka qayb-galay, ayaa ka warbixiyey kulan ay maanta Aqalka madaxtooyada kula yeesheen madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madax-dhaqameedkani waxa ay sheegeen in madaxweynuhu ugu yeedhay kulankaas isla markaana ay isla qaadeen in la daweeyo boogaha doorashadu ku samaysay isku-xidhnaantii shacbiga Somaliland, isla markaana la adkeeyo nabadda meeshana laga saaro tuhunnada shacbiga iyo xukuumadda kala dhexgalay.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan
Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo ka hadlaya natiijada kulanka ay madaxweynaha la qaateen, ayaa yidhi, “Madaxweynaha oo taashka Qaranka ugu sarreyey huwani ayaa noo yeedhay, wuxuu noogu yeedhay waa dantii guud ee caamka ahayd, waa qadiyaddii geeddi socodka, hannaanka amni iyo wada-jirka iyo shacabka arrimaha weliba sidii la iskugu riixi jiray ee xukuumada iyo dhaqanku uga waddahadali jireen ayay waafaqsantahay qadiyada tan uu maanta noogu yeedhay Madaxweynuhu. Waa sidii shacbigii la iskugu soo ururin lahaa, maadaama oo aynu doorashooyin ka soo baxnay, nitaaqooyin fara-badana ay bahashaasi leedahay. Maadaama oo ay giigiijin jireen salaadinta iyo xukuumada oo wada socoda iyo inta waxgaradka iyo culimadda oo waxna furta waxna gunuda, tii uun-bay waafaqsantahay qadiyadda tan uu Madaxweynuhu noogu yeedhay, waxaanu isla garanay; In howsha inaga dhammaatay ee doorashadda ee qarankan soo maray oo ahayd mid xasaasiyo oo ahayd mid aad u adag, In shacabkii iyo nidaamkii iyo hawshii halkii lagaga noqdo oo laga shaqeeyo adkaynta nabadgelyadda, xoojinta midnimadoodii iyo sidii meel looga soo wadda jeedi lahaa danta guud ee caamka ah, qadiyadaas ayuu Madaxweynuhu noogu yeedhay oo aanu isla qaadanay qodobadda noocaas ah oo waafaqsan sidii aynu Somaliland ku dhisnay iyaddoo beesha caalamka iyo cid alliyo cid inaga caawisay aanay jirin oo aynu isku tashanay haddii aynu  dhaqan nahay iyo haddii aynu siyaasiyiin nahay iyo haddii aynu xukuumad nahay, intii uun-bay waafaqsantahay,” ayuu yidhi Suldaan Xasan, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Waxaanu isla qaadanay oo aanu shacabkayga ugu baaqannaa in aanu ka wada shaqayno adkaynta nabadgelyada oo aanay la’aanteed aanay waxba inoo suurta-gelayn iyo sidii dadkii dib la iskugu soo ururin lahaa maadaama ay salaadintu isku soo jiidka shacabka iyo walaalaynta ay kow ka noqon karaan.”

Suldaanku waxa kale oo uu soo qaaday, “Waxaanu shacabkayga gudo iyo dibad-ba leenahay walaaladtihiin oo midbaad tihiin, waxaanu shacabkayga leenahay waxkasta oo jirta danta guud ee caamka ah ayaaa ka weyn ayaanu leenahay.Waxaanu leenahay shacabkayga aanu jecelahay oo aanu ka raamadoodii dhaqanka aanu xanbaarsan nahay oo Somaliland oo raasamaalka qudha ee aynu haysano ah oo mandaqad dogog ka qiiqaayaan ku dhextaalla haynu adkaysano raasamaalka oo ayaan bahashu inaga raacin doorashooyinka iyo nidaam kasta oo aynu galo oo wadda jirkeen iyo qaranimadeeni iyo walaalnimadeen qof kastaaba qofka kale ee reer Somaliland waa la walaal waa in walaalnimadii la adkeeya ayaanu ugu baaqaynaa shacabkayga sharafta leh ayaanu ugu baaqayna,” ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi.

Kulanka madaxweynaha iyo Salaadiinta (3)Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo isaguna ka warbixiyey Kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo waxyaabaha laysla qaatay, ayaa yidhi, “Munaasibadan Madaxweynuhu noogu yeedhay waxay ahayd inaanu is ka waraysano ama aanu ka wad-hadalno wixii dhamaaday iyo wixii dhiman. Munaasibadani waxay ku saabsanayd Doorashadii aynu galnay way dhamaatay si wacana way u bilaabantay, hase yeshee marka doorasho lagalo ama arrin caynkaas ahi ay Ummaddi gasho dhamaadkeeda waxbay yeelataa. “Tartanbaa lagalay, haddii tartanka lagalana lama soo wada baxayn cid oo unbaa ku guulaysanaysa, waxaana soo baxayey saddex Xisbi. Waana saddexda Xisbi ee maanta layidhi idinka ayaa guulaystay. Waxaan leeyahay cabasho la waayi maayo dulqaad waa in la yeeshaa, wuxuuna qaaday nasiibkiisa oo adduunyaduna maalin qudha maaha. Madaxweynaha iyo Xukuumaduba waxaanu isla garanay in shakhsiga iyo qarannimadu kala waynadaan oo haddaad soo bixiwaydo berriba waad joogtaa ee samirka ayaa fiican. Waxaanu dhinac walba ugu baqaynaa in dulqaad la yeesho oo la samro oo arrinkaas dhammaado oo arrinkaas lajoojiyo.”

Sidoo kale, Suldaan Naasir Suldaan Cabdi ayaa ka hadlay nuxurka qodobbadii ay madaxweynaha isla qaateen, “Runtii Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradaba si wacan ayaanu isu-waraysanay haddaanu nahay Odayashii dhaqanka. Waxaanu isla qaadanay inaanu adkayno nabada oo waata aanu halkan ku soo gaadhnay nabadu ee aynu ku soo caano maalaynay. Haddaanu nahay hogaamiyaasha wixii dhaliila ee jiray xukuumada waanu u sheegnay. Xaqiiqdii Madaxweynuhu isaga ayaa ka damqanaayey oo Ummaddiisa cidwalba ka jecel, isagaana natusay halka ay ka tagan tahay. Waanu naga aqbalay wixii aanu u soo jeedinay. Waxaanu maanta halkan ka qaadanay inaanu samayno giijis oo aanu halkaas ka sii ilaalino waajibaadkii iyo doorkii aanu u igmanayn,” ayuu yidhi Suldaan Naasir.

Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil
Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil

“Madaxweynuhu qodobkuu nagala hadlay waxay ahayd in la ilaaliyo nabadgalyada in dadka la dhex galo in dadka intaaba waanu ogolnahay waanu qaadanay dadkaygana hore ayaanu ugu dhex jirnay nabad ahaana aanu uga shaqaynaynay nabaddana dadkaa ku nool. Waxa weeye waxyaalihii dhacay doorashooyinkii dadku gari laba nin kama wada qosliso baa la yidhi taa waannu ognahay laakiin waxaanu anaga xagayaga nabadda waanu ka shaqaynaynaa, xisbigaa haddeer arrintiisu ay aad u taagantahayna maaha xisbi qabiil ee wuxuu ahaa waynu isla garanaynaa  waa xisbi darafyada kuwii ugu shisheeyey illaa iyo cid waliba ay ku jirtay xisbi qaran ayuu ahaa meelo badanbaa buuq la jireen  dhul badan oo aanu goob joog ka ahaynoo oo aanu ku nidhi arrintaa iyada ahna dibbaa laga saxayaana way jiraan. Waxaanu markaa ku dadaalaynaa in nabaddana la ilaaliyo waxkastoo dhacana si karti leh looga gudbo. Dawladdana waxaanu leenahay wixii aan qarsoomayn ama madax sare ha gasho ama cidday doonto ha gasho  ee halkaa wixii qalad ah wax ka soo celiyana in ay iyaguna wax ka qabtaan, nabadda dalkana aanu ka wada shaqayno,” sidaan waxa yidhi Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil oo ka warramayay waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo qodobada laysla qaatay.

Kulanka madaxweynaha iyo Salaadiinta (4)Suldaan Axmed Daahir oo isaguna ka hadlay natiijada kulanka madaxweynaha ay la qaateen, ayaa yidhi, “Waxaanu qiimaynayna anagoo madax-dhaqameeda doorashadii aynu soo galay maxaa inooga soo baxay, maxaa khasaarro ah, maxaa faa’ido ah. marka horre haddii aanu salaadintii nahay waxaanu leenahay Somaliland way guulaystay, waxa weeye waa jasiirad ku taalla meel gubanaysa oo hareeradeeda ku lacag haysta iyo ku ictiraaf haysta iyo ku dhaqaalo kasta mid waliba maanta ay ku majeeranayso wixii Somaliland qabsatay ee ay u howlgashay ee ay u hilowday inay heshay. Shan doorasho ayaynu soo galay, laba Madaxweyne, laba degaan iyo mid Baarlamaan, waxaa inoo dheeraa tii aftida distuurka waxaynu ku soo baxnay in caalamku inaga qalin darsado oo uu yidhaahdo jasiiradda yar ee Somaliland  la yidhaahdo waa in wax laga barto. Walaalayaal waxa weeye ummad islaam ah ayaynu nahay, islaamnimaduna waxbay na faraysa oo Illaahay kitaab ayuu inoo soo dejiyey oo kitaabkeenu waxa uu ina faray ee uu noo soo dejiyey inaga oo aan ka tagayn, haddanna wixii rag u heshiiyey waxay noqotay doorasho,” ayuu yidhi Suldaanku, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Doorashadii halka ka dhacday maanta oo wax caalamka ka dhacay oo nooceed ah taariikhda ka dhacay laguma arag, sababto ah waxa laga soo sheekeyey intaasoo kun oo qof oo u tartamaya kursi intaasoo xisbi oo tartamaya inay asxaab qaran noqdaan waxaa dhulka balaadhkiisa ka sii weyna docwareedka iyo siyaasadda lagu hoos jiray ee ina saamaysay.”

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shalay ilaa dorraad kulamo noocan ah la qaatay Hoggaamiyeyaasha Axsaabta Siyaadda iyo Ururradii ku hadhay doorashadii dalka ka qabsoontay, waxaanay kulamadani daarran yihiin sidii looga gudbi lahaa caqabadaha iyo kala-tagganaanta ay reebtay natiijadii doorashada Dawladaha Hoose ee dalka ka qabsoontay.

SOMALILANDPOST.NET