Ujeeddada Kulan maanta Dhexmaray badhasaabka Maroodijeex iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka MaroodiJeex ayaa Maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka, waxaana kulankaas lagaga wada hadlay dardargalinta hawlaha Shaqo ee ay u xilsaaran yihiin.

Kulankan oo ay Goobjoog ka ahaaayeen Gudoomiye ku xigeenka Gobolka MaroodiJeex Rashiid Axmed iyo Xoghayaha Gobolka Maroodi Jeex Xamse Ciise Cabdi, waxa ugu horreyn ka hadlay guddoomiyaha Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare) oo sheegay in kulankani uu yahay isbarasho dhex maraysa isaga iyo maamulada degmooyinka gobolka waxaanu ku booriyay Sidii ay u libin laabi lahaayeen hawlaha Shaqo ee ay Qaranka u hayaan isla markaana ay  Wada shaqayn dhab ah ula yeelan lahaayeen Maamulka Gobolka Maroodi jeex.

Badhasaabka HargeysaGuddoomiyuhu waxaa kale oo uu ka codsaday Shacabka ku nool gobolka Maroodi jeex inay bixiyaan Wixii Cashuuro ah ee Ku waajibay ee lagu socodsiinayo hawlaha qaranka.

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Fara Weyne,Cadaadlay,Saba Wanaag,Daarasalaam,Isu duwayaasha Wasaaradaha Waxbarashada,Deegaanka iyo Caafimaadka oo dhamaantood soo dhaweeyay kulankan isla markaana balan ku qaaday inay si hufan ula shaqayn doonaan Madaxda Gobolka Maroodi jeex.

Geesta kale Waxaa kulankaas hadal ka soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka iyo Xoghayaha Gobolka Maroodi jeex, kuwaas oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in layska kaashado ilaalinta ammaanka iyo horumarka degmooyinka gobolka.

Somalilandpost.net/Hargeysa