Ujeeddada Kulan Gaar ah oo Madaxda Dalalka Ku bahoobay Midowga Yurub Maanta isugu imanayaan magaalada Brussels

Brussels (SLpost)- Hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Yurub ayaa maanta Kulan gaar ah ku yeelanaya magaalada Brussels, halkaas oo lagu go’aamin doono buuxinnta laba ka mid ah boosaska ugu sarreeya Madaxda ururka Midow Yurub oo kala ah Madaxda Siyaasadda Khaarajiga iyo Madaxweynaha Golaha Yurub.

Wada-hadallada iyo doorashada laba masuul ee ka tirsan hoggaaana EU oo aan ilaa immika la garan karin Cidda ugu cad-cad ee buuxinaysa, ayaa la filayaa inay la gudo-galo xilliyada dambe ee maanta gelinka dambe

euleadersafpCatherine Asthton oo xilligan ku fadhida Booska Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub, ayaa shaqada ka fadhiisan doonta bishan November ee sannadkan, halka Herman Van Rompuy oo wakhtigan ah madaxweynaha Golaha oo isaguna shir-guddoomiyaha fadhiyada Ururka Midowga Yurub, ayaa isagana la filayaa inuu shaqada isaga tago November.

Fadhigan ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii uu baarlamaanka Yurub xaqiijiyey in Jean-Claude Juncker loo doortay madaxweynaha Cusub ee Guddiga Fulinta Ururka Midowga Yurub oo iyadu iska leh awoodda ugu sarreysay ee EU.

Dadka u dhuun-daloola siyaasadaha Midowga Yurub, ayaa sheegaya in madaxda 28-ka waddan ee Xubnaha ka ah ururka laga yaabo inay ilaa berri ku qaadato doorashada Madaxa siyaasadda Arrimaha Dibadda oo laysku khilaafsan yahay muddo-xileedka shaqadan.

Qaab-dhismeedka Awoodeed ee EU

qaab-dhismeedka

 SOMALILANDPOST.NET