Ujeeddada Kulan dhexmaray Guddoomiyaha KULMIYE iyo Jaaliyadda Gobolka Hawd ee UK

London (SLpost)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna murashaxa madaxweynaha ee xisbigaas, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan kula yeeshay magaalada London Haldoorka Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, gaar ahaanna ka soo jeeda gobolka Hawd, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay xafiiska Warbaahinta Xisbiga Kulmiye.

kulmiye-uk4Warka Qoraalka ah ee ka soo baxay Xisbiga Kulmiye oo la soo gaadhsiiyey xafiiska war-qabadka ee Somalilandpost, ayaa lagu sheegay sidan:- “Haldoorka Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Ingiriiska ee u dhashay Gobolka Hawd, ayaa kulan soo dhawayn iyo wadahadal ah la yeeshay.

kulmiye-ukGuddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka oo ka dhacay magaalada London oo ay goob-joog ku ahaayeen qurba-joogga ka soo jeeda Gobolka Hawd ee Somaliland, waxay ku qaabileen Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi oo ay wehelinayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe) iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee UK Mr. Xariir Xirsi.

kulmiye-uk3Is-xogwaraysi iyo wadahadal dhexmaray Guddoomiyaha iyo qurba-joogta, waxa isla qaatay wadashaqayn iyo in jaaliyadda Ingiriiska ee Gobolka Hawd ay si buuxda u taageersan tahay xisbiga KULMIYE, isla markaana ay dhisayso murrashaxiisa Madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi.

kulmiye-uk2Ugu dambayntii, kulankaasi waxa uu ku dhammaaday is-afgarad iyo farxad ay ku kala tageen labada dhinac ee Guddoomiyaha KULMIYE iyo masuuliyiinta wehelinayey iyo qurba-joogta la kulmay.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-qoraalka ka soo baxay xisbiga Kulmiye.

SOMALILANDPOST.NET