Ujeeddada Kormeer Taliyaha Ilaalinta Cashuuruhu ku gaadhay Laascaanood iyo Kulamo uu la qaatay Madaxda Laamaha Cashuuraha ee degmada

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ilaalinta Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Saleebaan Ducaale Ubaxle, ayaa socdaal ku gaadhay magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, waxaanu halkaas kulamo kala duwan kula qaatay Saraakiisha Kastamka Cashuuraha ee degmada iyo Ciidamada Booliska ee ka hawl-gala ilaalinta Cashuuraha.

QATaliyaha oo maanta gaadhay magaalada Laascaanood, waxa uu warbixinno ka dhegaystay Saraakiisha Kastamka Cashuuraha iyo Ciidamada la hawl-gala oo xog-warran ka dib uu kala hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa dedaallada loogu jiro ka-hortagista bedeecadaha sida qarsoodiga ah dalka uga soo gala gobollada Bari gaar ahaan magaalada Laascaanood oo ah marinka ugu badan ee ay soo maraan badeecadaha laga keemo dhinaca dalkaasi Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO