Ujeeddada ka dambaysa Nashqad Cusub oo loo sameeyey Taariikadda Gaadiidka Somaliland oo maanta la maanta la soo bandhigay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta soo bandhigtay Nashqad cusub oo lagu beddelayo Taarikada Gaadiidka, taas oo la sheegay inay fududaynayso la socoshada dhaq-dhaqaaqyada gaadiidka kala duwan ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Nashqadda Cusub ee taarikada Gaadiidka ayaa lagu soo kordhiyey Xarfo lagu dhex-daray Lambarrada ku suntay Sumadda tirsiga gaadiidka, taas oo, marka laga yimaaddo kala duwanaanshaha lagu kala sooco gaadiidka Shacabka, Dowladda, hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururrada aan Dowliga ahayn ee Maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, ay Sumaddu wadato xarfo lagu kala soocayo gaadiid walba gobolka uu ka hawl-galo.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Md oo maanta ka hadlayey xaflad lagu shaaciyey Nashqadda Cusub ee Taarikada Gaadiidka, waxa uu faahfaahin ka bixiyey ujeeddada ka dambaysa qorshaha loo hirgeliyey iyo sababaha kallifay.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO FAAHFAAHINTA WARKAN