Ujeeddada Go’aan Madaxweyne oo ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee maanta

siilaanyo-777Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa masuuliyiinta xukuumaddiisa kala hadlay ilaalinta iyo Dhowrista Hantida Qaranka guud ahaan, waxaanu si gaar ah uga hadlay gaadiidka dowladda oo uu ku amray inaan si gaar ah loogu takri-falin.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada isla markaana uu ku saxeexan yahay  Agaasimaha Saxaafadda ee madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir, kaas oo lagu sheegay in madaxweynuhu daba-galka iyo fulinta go’aankaas uu u xil-saaray Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta.

War-saxafaadeedka, ayaa u qornaa sidan:- “Shir aan caadi ahayn oo ay golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo ay taariikhdu ahayd 10/06/2017 ay yeesheen shir gudoominayeyna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa lagaga hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid ahaayeen sidii loo ilaalin lahaa hantida qaranka, madaama oo ay masuul walba ka saaran tahay masuuliyad gaari ilaalinta iyo dhawrista hantida danta guud ahi.

Waxaanu madaxweynuhu si gaara golaha wasiirada u faray inay dhawraan oo ay ilaaliyaan nidaamka dawladnimo astaamihiisa, sida dhammaan gaadiidka dawlad, waxaana ka madnuuca in lagu xidho nambarka shacab gaadiidka dawladda, iyadoo uu madaxweynuhu faray in gaadhiidka dawladda lagu xidho namberka dawlada (GT) laguna xareeyo nambarka shacabka wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka. Go’aankaa golaha wasiiradana waxa dabagalkeeda u xilsaaran wasaarada hawlaha guud, gaadiidka & guryeynta iyo ciidamada amniga.”