Ujeeddada Bannaanbaxyo laga iclaamiyey Gobolka Badhan oo maanta ka curtay Hadaaftimo iyo Maamulka degmada oo ka hadlay

Hadaaftimo (SLpost)- Dadweyne gadoodsan, ayaa maanta bannaan-bax aan khasaare geysan ka dhigay degmada Hadaaftimo ee gobolka Badhan, waxaana bannaan-baxan oo lagu sheegay kii ugu horreeyey noociisa ee ka dhaca magaaladaas ka qayb-qaatay maamulka iyo urrurada bulshada degmadaas.

hadaaftimoBannaan-baxan oo laga iclaamiyey dhammaan degmooyinka gobolka Badhan, ayaa ujeeddadiisu tahay mid ay shacabka gobolkaasi kaga soo horjeedaan weerar khasaare dhimasho ah geystay oo ciidamo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ka geysteen degmada Laasqoray ee gobolkaas. Ciidamo ka tirsan ilaalada xeebaha maamul-goboleedkaas oo ku soo xad-gudbay biyaha badda ee Somaliland, ayaa weerarkaas ku dilay hal qof oo ka tirsan Kalluumaysata degmada Laasqoray.

Dadweyne u badan Dhalinyaro iyo Haween oo ay weheliyaan ururrada bulshada iyo maamulka degmadaas, ayaa subaxnimadii hore ee ee Jimcihii maanta Isu-soo-bax ay dareenkooda ku muujinayaan ka dhigay magaaladaas, iyagoo ka soo horjeeda falka ciidamada maamul-goboleedka Puntland ka geysteen xeebaha gobolka Badhan.

Maayarka magaalada Hadaaftimo ee gobolka Badhan Cawil Maxamed Jaamac oo weriye ka tirsan Shabakadda Somaliland khadka telefonka ugu warramay isagoo ku sugan magaaladaas, ayaa sheegay inaanu jirin wax khasaare ah oo bannaan-baxa ka dhashay, dadweynuhuna ay dareenkooda ku muujiyeen si nabad-gelyo ah, maamul ahaanna shacabka la wadaageen dareenkooda kuna taageersan yihiin sida ay uga soo horjeedaan xad-gudubyo maamulkaasi ku hayo deegaanno ka tirsan Bariga gobolka Badhan.

“Saaka abbaaro 9-kii ayuu mudaharaadku bilaabmay, wuxuuna ahaa mid ay shacabku iskood isu soo abaabuleen, dareenkooda iyo shuruuctooda ayay ku muujinayeen waxayna ku cambaareynayeen dhacdadii ka dhacday Laasqoray, runtiina si fiican oo nabadgelyo ah ayuu ku soo dhammaaday.

“Annagu door muhiim ah ayaanu ku lahayn, runtiina wuxuu ahaa mid aanu aad u soo dhawaynay waanan la qabnaa, mana aha mid halkan (Hadaaftimo) ku kooban ee magaalooyin badan buu ka dhici doonaa,” Sidaas ayuu yidhi Maayarka magaalada Hadaaftimo.

Maxamed Siciid oo ka tirsan dadweynaha ku dhan magaalada Hadaaftimo oo isagu ka mid ahaa hormood dhalinyarada magaaladaas ee bannaan-baxa soo abaabulay, ayaa maamul-goboleedka Puntland ku eedeeyey xad-gudubyo ay ka geystaan deegaannadooda, shacab ahaanna aanay u adkaysan karin xasuuqa dadka shacabka ah ee ay laynayaan ciidamada Puntland.

Weerarka Ciidamada maamul-gobolkeedka Puntland ka geysteen degmada Laasqoray oo horaantii todobaadan ahayd, waxa ka hadlay isla markaana cambaareeyey Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda Somaliland Cali Jaamac Buureed, waxaanu sheegay in maamulkaas deegaannada Bariga gobolka Badhan ka geystaan xad-gudubyo aan loo adkeysan karin, isagoo ku hanjabay inay xukuumadda Somaliland jawaab ku habboon ka bixin doonto haddii maamul-goboleedka Puntland joojin waayo hab-dhaqankaas.

Bannaan-baxan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee magaaladaas ka dhaca isla markaana shacabku kaga soo horjeestaan Hab-dhaqannada maamul-gobolka Puntland oo taageero ka haysta qaybo ka tirsan deegaannada Bari ee gobolka Badhan.

Maalinta Berri  ayaa la filayaa  bannaan-baxyo noocan ah oo ka dhaca magaalooyinka Xiin-galool iyo Badhan, iyadoo abaabulka mudaharaadkaas maanta gelinkii dambe laga dareemayey magaaladaas, sida ay shabakadda Somalilandpost u xaqiijiyeen dadweyne ku sugan caasimadda gobolka Badhan.

Somalilandpost.net

Hargeysa