Ujeeddada Baaq ay Kooxda Al-Shabaab u Dirtay Ikhwaanul Muslimiinta Masar oo shalay Xabsiga Loo taxaabay hoggaamiyahooda

Muslim Brotherhood leaderHargeysa (SLpost)- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya, ayaa ugu baaqday kooxaha Ikhwaanul-Muslimiinta dalka Masar inay dibed baxyada joojiyaan, taas bedelkeedana hubka qaataan si ay isaga difaacaan milateriga dalkaas ee ka tuuray xukunkii dalkaas ee ay hayeen.

Bayaan ay kooxda Al-shabaab ku soo qoreen barta ay ku leeyihiin Twitter-ka, ayey ku sheegtay in dibed baxyo la dhigo aanay waxba soo kordhineyn marka laga reebo in la xasuuqo dadka muslimiinta ah.

“Ikhwaanul Muslimiinka Masar waxaan ugu baaqaynaa inaanay shacabka ku baabi’in dimuqraadiyad aan natiijo lahayn, iska ilooba dimuquraadiyadda, maadaama aad waxba ku weydeen, hubka qaata naftiinana ka difaaca kuwa shacabkiinna gumaadaya ee gaalo raaca ah,” ayay Al-shabaab ka tidhi bayaankaas.

Al-Shabaab ayaa talaabooyinka ay qaateen ciidamada Masar ku sheegtay inay yihiin xasuuq badheedh ah oo lagula kacayo shacab aan hubeysneyn oo muslimiin ah. “Ciidamada Masar Hubka ay haystaan kulama dagaalami yaqaaniin Yuhuudda iyo kuwa la mid ah ee doonaya inay dhulalka muslimiinta qabsadaan, balse waxay ku xasuuqayaan oo keliya musliminta dalkaas ku nool, si ay sanka uga geliyaan xukunooda kali-talisnimada ah “ ayay ku tidhi Al-shabaab warka ay soo saareen.

Bayaanka Al-shabaab ayey ku sheegtay in militariga dalka Masar ay afgambi ku qabsadeen dalkaas xasuuqaas u geysteen dadka kasoo horjeeda afgembiga militariga ay dalkaas ka sameeyeen.

“Gumaadka ay milaterigu u geysteen shacabka Masar waxay caddeyn u tahay in ficil ahaan iyo dhaqan ahaanba ay u dhaqmayaan sidii ciidamo cadow ku ah dadkooda,” ayaa lagu yidhi warka ay Al-shabaab soo saartay.

Hadalka Al-shabaab ayaa ku soo beegmaya xili ay socdaan dibed baxyada ay kooxaha Ikhwaanul muslimiinta dalka Masar kaga soo horjeedaan milateriga dalkaas oo xukunka ka tuuray madaxeynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee dalkaas Maxamed Mursi, waxaana dibed baxyadaas lagu dilay kumanaann qof oo shacab ah.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Maxamad Badiic ayaa xabsiga loo taxaabay xili ay dalkaas ka socdaan rabshado sii xoogeysanaya oo u dhexeeya milateriga dalkaas iyo taageerayaasha Ikhwaanka.

Dowladda ayaa sheegtay in Maxamed Badiic laga soo qabtay guri ku yaalla xaafadda Al-Nasar ee magaalada Qaahira oo ah halka ay dibedbaxyadu ka dhigayeen taageerayaasha madaxweynihii la afgembiyey ee dalka Masar Maxamad Mursi.

SOMALILANDPOST.INFO

contact@somalilandpost.net