Ujeedada Uu Mareykanku Ka Leeyahay Ciidamo Uu U Dirayo Ciraaq

Washington, (SLpost)- Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka, ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in istaraatijiyadiisa lagu tabobarayo ciidanka Ciraaqiyiinta, laguna diiwaan-gelinayo dagaalyahanno ka soo jeeda qabaa’ilka sunniyiinta ay guulaysan doonto, dagaalka lagula jiro kooxda Daacish.Ciraaq

M adaxweyne Obama ayaa ansixiyay in ilaa 450 milateriga Mareykanka ah loo diro waddanka Ciraaq si ay talo iyo tabobarba u siiyaan ciidammada dagaalka kula jiro maleeshiyaadka ururka Daacish.

Ciidammada Mareykanka ayaa waxa uu saldhigoodu noqon doonaa gobolka Anbaar, halkaasoo maleeshiyaadka Daacish ay dagaallo ku qabsadeen, hase yeeshee ciidammadan ayaan wax dagaal ah ka qayb qaadan doonin.

Afhayeenka Aqalka Cad, Josh Earnest, ayaa sheegay in maamulka Mareykanku uu hubo in istaraatijiyadda dagaalka ka dhanka ah Daacish ay shaqeyn doonto.

Mr Earnest ayaa sheegay in Mareykanku uu doonayo inuu Ciraaqiyiinta u tabobaro sidii ay naftooda u difaaci lahaayeen.

Sidoo kale Afhayeenka Aqalka Cad ayaan meesha ka saarin suuro-galnimada in milateri kale oo dheeraad ah mustaqbalka loo diro gobolka.

Somalilandpost.net