Ujeeddada socdaalka ay dalka ku yimaadeen Wefti ka socda Hay’ad Samo-fal oo laga leeyahay dalka Sucuudiga

Hargeysa (Slpost)- Wasiirka wasaaradda beeraha JSL  Mudane faarax cilmi Geedole  ayaa si diiran ugu qaabilay Gegida Diyaaradaha Cigaal International Airport ee magaalada Hargaysa Wafti ka socda Hay’ada International Relief  Organization  ee dalka Boqortooyada Sucuudi Arabia  kuwaaso u yimid  Qaybin kaalmo ay soo gaadhsiyeen Dalka.

Ugu horayn hogaamiyaha Xubnaha Weftigan Xaamud Al Rufayci oo Warbaahinta kula hadlayay Qolka Nasashada ee madaarka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada hargaysa ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho qaybinta deeq raashin mucaawimo ah oo ay dalka soo gaadhsiiyeen,taas oo ay ugu talo galeen sida uu xusay dadka danyarta ah ee Somaliland ,Mas’uulkani waxa uu ugu danbayntii ka  mahadceliyay  sida diiran ee dalka loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka wasaaradda beera JSL  Mudane faarax cilmi Geedole ayaa sheegay in Hay’adani wado deeq raashin ah oo qiyaas ahaan dhan Lix Boqol iyo Konton Tan oo isugu jira Bariis,Timir,Saliid iyo Caano waxaanu tilmaamay in deeqdan loo qaybin doono dadka danyarta ah ee ku dhaqan Gobolada dalka oo dhan marka laga tago Saaxil iyo Sanaag oo hore loo gaadhsiiyay Kaalmadan .

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Beeruhu wuxuu  uga  mahad naqay Hay’adan deeqdan raashinka ah ee ay ku soo kaalmeeyeen Walaalahooda Islaamka ah ee Somaliland taas oo Mudane Geedoole ku sifeeyay mid ay baahi u qabeen shacabka Somaliland kadib markii sida uu cadeeyay hoos u dhacay waxsoo saarkii dalaga beeruhu roob yaraan awgeed,Waxaa kale oo uu ugu baaqay in hay’ada  International Relief  Organtion ee Sucuudigu ay halkaasi ka sii wado hawlaha gargaar ee ay Somaliland soo gaadhsiiyeen.

SLpost News/Hargeysa