Ujeedada Socdaal wefti xukuumadda ka tirsan ku tageen Magaalada Saylac

Saylac (SLpost)- Wefti uu hogaaminaayo Wasiir ku xigeenka Arrimaha amniga ee  Wasaarada Daakhiliga Somaliland  Mudane Cabdilaahi Obokor Cismaan,  ayaa maanta  socdaal ku tagay magaalada Saylac e xarunta gobolka Selal.

Wasiir ku xigeenka oo ay socdaalkiisa ku weheliyaan agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo  biyaha   Siciid Axmed Jibriil iyo gudoomiha cusub ee gobolka Salal , Nuur Cusmaan Guuleed iyo masuuliyiin kale, waxa ay ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidhaa u-kuur galidda xaaladda guud ee gobolka iyo  iyo sidii xilka loogu kala wareejin lahaa gudoomiyihii hore ee gobolka Selal  Maxamed Muuse Bucul oo madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday iyo gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay inuu xukuumadda Wakiil uga noqdo gobolka Nuur Cismaan Guuleed.

Weftigan waxaa si diiran loogu ugu dhaweeyay Magaalada Saylac Guddoomiye ku xigeenka Gobolkaasi Cali Alaale Rayaale, Duqa Magaalada Saylac Maxamed Cumar Xaddi, Madaxda heer degmo iyo dadweyne kale.

SLpost News/Hargesa