Ujeedada Socdaal Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyadu Ay Ugu Kicitimeen Dubai

Dubai (SLP)-  Wefti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada hawlaha guud, ganacsiga iyo maareeyaha dekadda Berebra, ayaa maanta socdaal shaqo ugu kicitimay dalka isu-taga Imaaraadka carabta, gaar ahaana magaaladda Dubai.
U jeedadda socdaalka ay masuuliyiintaasi ugu baxeen Imaaraadka Carabta ayaa la xidhiidha wada-hadal iyo qiimayn ay ku samaynayaan shirkad magaceeda la yidhaahdo Dubai World, taasi oo danaynaysa in ay maalgashi ku samayso dekadda Berbera.
Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo uu wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, uu xalay ku baahiyay bogga uu degelka Internet-ka ku leeyahay ee Guusha.com.
Qoraalka uu wasiirka madaxtooyadu kaga hadlay socdaalkooda, waxa uu u dhignaa sidan:
“Waxaanu Maanta (shalay) ka soo amba baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa anigoo ku sii jeeda dalka isutaga Imaaraadka Carabta ‘UAE” gaar ahaan magaaladda Dubai. Safarkan oo ay igu wehelin doonaan Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guryeynta Mud. A/razaq Khaliif Axmed , Wasiirka Ganacsiga iyo Maaligashiga Mud. Muuse Qaasim Cumar iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Maxamed Xoor-xoor.
U jeedadda socdaalkayaga ayaa noqon doona in aanu wada hadal iyo qiimayn ku soo samayno shirkad danaynaysa in ay maalgashato dekeda Berbera magaceedana la yidhaahdo Dubai World.”
Waxaan rejaynayaa in wada hadalkaasi noogu soo dhamaado is-afgarad iyo is-faham sidoo kalena noqdo mid al-baabka u fura maalgashi caalami ah oo dalkeena lagu sameeyo.
Waxaa hubaal ah in guud ahaan dalkeenu u baahan yahay in uu xidhiidh fur-furan la yeesho dalalka jaarka ah iyo caalamkaba, si loo helo maalgashiyo waaweyn “Macro investment” oo wax badan ka tari kara dhinacyada shaqo- abuurka iyo guud ahaanba horumarka dhinacyadiisa kala duwan.
Shacabka Somaliland ee jecel horumarka iyo horusocodka waxaan ugu bushaaraynayaa in talaabadani ay bilow u noqon karto Somaliland cusub oo caalamka la socota”.

Wa Bilaahi Tawfiiq.


Somalilandpost.net