Ujeedada Shir Ay Ku Dhawaaqeen Salaadiin Ka Soo Kala Jeeda Koonfurta Hargeysa Iyo Galbeedka Burco

Hargeysa  (SL.Post)  Saladiin, Cuqaal iyo wax garadka ka soo jeeda koonfurta magaalada Hargeysa iyo galbeedka  Burco, ayaa ku dhawaaqay wakhtiga uu furmi doono shir ay mudooyinkii ugu danbeeyey ay qaban qaabidiisu socotay.

 

c1

 

 

Shirkan oo loogu magac bixiyay  shir weynaha beesha (Garxaajis) ayaa Saladiinta iyo cuqaashani ay sheegen in u furmi doonoo 13.08.2016 oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda, kuwaas oo aan iclaamin goobta uu shirkani ka qabsoomayo.

 

 

 

Xukuumada Somaliland  ayaa wararku sheegayaan inay u aragto caqabad lid u ah hoggaaminteeda oo wiiji karta kalsoonida xisbiga KULMIYE mar kale ku doonayo inuu ku hantiyo madaxtinimada Somaliland.

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

Somalilandpost. Hargeysa