Ujeedada Kulamo Uu Safiirka Ingiriiska U Jooga Soomaaliya La Yeeshay Shir-guddoonka Labada Gole

Hargeysa, (SLpost)- Shirguddoonka guurtida iyo wakiillada ayaa maanta si gooni-gooni ah kulamo ula qaatay safiirka Soomaaliya u fadhiya dawladda Ingiriiska  Neil Wigan, kaasoo socdaal ku yimi caasimadda Hargeysa.GUURTIDA

Kulankan oo ka dhacay xarunta baarlamaanka, isla markaana saxaafaddu banaanka ka joogtay ayaa markii uu dhamaaday waxay warbaahintu wax ka waydiisay guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aaden, waxaanu sheegay in safiirka ay iska xog-wareysteen arrimo ku saabsan golaha guurtida iyo guud ahaanba Somaliland, “Waxaanu iska wareysanay arrimaha dalka ka dhacaya iyo qorsheyaasha yaalla.” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa isaguna ka warbixiyay waxyaabaha ay ka wada-hadleen safiirka Soomaaliya u qaabilsan dawladda Ingiriiska, waxaanu yidhi. “Waxa yimi dalka Safiirkii Ingiriiska waxaanu  sida caadada ah la kulmaa masuuliyiinta axsaabta iyo masuuliyiinta qarankaba, markaa wuxuu ka mid yahay kulamo badan oo uu la yeelan doono axsaabta qaranka iyo masuuliyiinta qarankaba oo uu kaga wareysanayo si uu xog’ogaal ugu noqdo xaaladda guud ee Somaliland iyo arrimaha doorashada iyo xidhiidhka dawladdiisa iyo Somaliland.”

Somalilandpost.net