Ujeedada Kalfadhi aan Caadi ahayn oo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Qaar ka Mid ahi soo Jeediyeen

 

Hargeysa (SLpost) – Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha wakiillada JSL ayaa shirgudoonka golaha wakiillada u gudbiyey qoraal ay ku dalbanayaa in golaha wakiilada laysugu yeedho fadhi aan caadi ahayn oo ka soo horeeya xiliga dhamaadka fasaxa oo hadda goluhu ku jiro. Kalfadhigan ayaa waxa ay xildhibaanadu ku codsanayaan in mooshin laga yeesho ciddii ka dambaysay arintii ka dhacday 17 Octobar 2015 Maansoor Hotel ee ciidamada Booliska Soomaliland ku amreen Masuuliyiinta Maansoor hotel in ay joojiyaan qado iyo shirar ay ku lahaayeen garabada isbahaysiga ee Kulmiye mid ka mid ah

Qoraalkan oo warbaahintu heshay ayaan lahayn cid ku xusan, balse waxa lagu xusay sababaha ay xildhibaannadani ku andacoonayaan in fadhigan laysugu yimaado.

 

Qoraalkuna waxa uu u dhignaa sidan:-

 

Ku: Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

Og: Mudanayaasha Golaha Wakiilada.

Ujeeddo: SOO JEEDIN ku saabsan Kalfadhi aan caadi ahayn

Annagoo ah mudanayaasha Golaha Wakiilada ee soo jeedintan saxeexay waxaan Golaha Wakiilada halkan ugu soo gudbinaynaa soo jeedintii qoraalkayagan ciwaanka u ah sababahan soo socda.

 

Markaan aragnay Qodobka 43aad ee Dastuurka oo ka hadlaya kalfadhiyada Golaha Wakiilada gaar ahaan faqrada 2aad xarafkiisa J ee qodobkan oo awood u siinaya in tiro xildhibaano gaadhaya  1/3 (saddex-meelood, meel) tirada xubnaha Golaha Wakiilada oo noqonaysa 27 Mudane ay qoraal ku dalban karaan in la isagu Yeedho kalfadhi aan caadi ahayn.

 

Waxay mudanayaashan ku sababaynayaan baahida keentay in kalfadhi aan caadi ahayn la qabto sababahan soo socda:

Arintii ka dhacday 17 Octobar 2015 Maansoor Hotel ee ciidamada Booliska Soomaliland ku amreen Masuuliyiinta Maansoor hotel in ay joojiyaan qado iyo shirar ay ku lahaayeen Masuuliyiin heer qaran ah oo ka koobnaa, Xubno ka tirsan Shirgudoonka iyo Xildhibaano  Golaha wakiilada ka mida ,Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeeno.

Iyadoo Masuuliyiinta Huteelka lagu amray in ay joojiyaan Qadadaas iyo Kulankaasba una cadeeyeen in aanay ciidan ahaan aanay ka masuul ahayn Nabadgelyada Huteelka haddii aanay joojin Xafladaas iyo Qadadaas ay masuuliyiintu ay ku lahaayeen Huteelka.

Haddaba Markaanu Aragnay:

Qodobka 8aad Farqadiisa 1aad Taasoo Tilmaamaysa Sinnaanta Muwaadiniinta

Qodobka 11aad Ee Dastuurka kaasoo tilmaamaya Kobcinta wax soosaarka, Kor u qaadida heerka Nolosha, Abuurida goobo shaqo, iyo guudahaan horumarinta dhaqaalaha dalka.

Qodobka 39aad ee dastuurka Qaranka oo Tilmaamaya in Xildhibaanada Golaha wakiiladu yihiin Xubnaha ka wakiil ah Dadwaynaha; iyo Ilaalinta Siyaasada guud ee Hogaaminta Dalka.

Qodobka 49aad ee Dastuurka kaasoo tilmaamaaya Dhawrsanaanta iyo Xasaanada Xildhibaanada Golaha Wakiilada.

Qodobka 93aad kaasoo inoo tilmaamaya in Golayaasha Baarlamaanku ay leeyihiin Hab-Maamuska koowaad iyo ka labaad ee qaranka.

Qodobka 94aad Farqadiisa 8aad taasoo tilmaamaysa dhawrsanaanta Wasiirada iyo Wasiira ku xigeenada jamuhuuriyada Somaliland.

Qodobka 22aad Farqadiisa 1aad oo Tilmaamaysa Xuquuqda Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulsho ee uu Muwaadinku xaq u leeyahay.

Qodobka 23aad 1aad oo tilmaamaysa Xorriyada Dhaqdhaqaaqa iyo Is abaabulka Muwaadinka

Hadadaba Markay noo cadaatay:

In Laba Huteel oo Madaxda qaranka ugu saraysa ay xaflado ku lahaayeen Mid laga joojiyey Midna loo fasaxay taasoo burinyas sinaanshihii uu dastuurka qaranku inoo tilmaamay.

In Muwaadin Cashuur bixiya ah sifo qaldan la iskaga hortaagay Xuquuq asaasiya oo distoorku siiyey.

In Karaamadaii iyo Xasaanadii ay lahaayeen Shirgudoonka, , Xildhibaanada Golaha wakiilada, Wasiirada iyo Wasiira ku xigeenada Jamuhuuriyada Somaliland meel lagaga dhacay.

In la jabiyey dhamaan qodobada Tilmaamaamaya Xuquuqda iyo Xorriyada Muwaadinka Reer Somaliland ee uu tilmaamaayo Dastuurka Somaliland.

 

Waxaan soo jeedinaynaa in :- Golaha la iskugu Yeedho Kalfadhi aan caadi ahayn.

Golaha la hor keeno cidii ka dambaysay amarka ka hor imanaaya Dastuurka qaranka, Xoriyada Asaasiga ah ee Muwaadinka iyo dhawrsanaanta Madaxda qaranka si Golahu Go’aamo uga Gaadho.