Uganda oo Soomaaliya u Direysa Ciidan Ilaalo u Noqda Xarumaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho

Muqdisho(SLPOST)Milateriga dalka Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay dhowaan Soomaaliya usoo dirayaan boqolaal askari si ay u ilaaliyaan Xarumaha iyo agabyada Qaramada Midoobay ee Muqdisho kadib markii ay soo bateen weerarada ay geysanayaan kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab.

AU_Soldier_in_Mogadishu

Afhayeenka Milateriga Lt. Col Paddy Ankunda ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in 410-askari dheeraad ah soo diraan isla markaana xoojin doonaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray in Ciidankaan cusub ay fursad siin doonaan Ciidamada hadda suga Xarumaha Qaramada Midoobay in ay weeraraan goobaha ay weli gacanta ku hayaan kooxda al-Shabaab ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ciidankaan ayaa qaabilsanaan doona keliya in ay xaqiijiyaan amaanka xarumaha Qaramada Midoobay, waxaana loo bixiyey ‘’U.N. Guard unit’’.

Khuburo ayaa sheegay in Ciidamadaan hor leh ay Uganda usoo direyso Soomaaliya ay fursad u tahay Madaxweyne Yoweri Museveni uu kaga guuleysan karo deeq bixiyeyaasha kuwaas oo cambaareeyay sharcigii dhowaan uu ansixiyey ee mamnuucaya dadka isku jiinsiga in ay isu galmoodaan.

Ammaanka Muqdisho ayaa bishii lasoo dhaafay faraha ka baxay kadib markii la weeraray goobo si weyn amaankooda loo sugo sida Madaxtooyada, xarunta nabadsugida iyo weliba afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha oo qarax ismiidaamin lagula beegsaday kolonyo.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga inka badan 6,000-askari, waxayna hogaamiyaan howlgalka AMISOM.

 Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Â