UGANDA: Musuqmaasuqa oo Xadhkaha Goostay

SLpost- Wasiirka Anshaxa dalka Uganda, Simon Lokodo ayaa sheegay in meel sare uu dalka Uganda ka marayo musuq-maasuqa, isagoo sheegay inuu hala-keeyay xukuumadda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

“Musuqmaasuqu wuxuu niyad-jabiyay maal-gashadayaashii shisheeyaha ahaa iyo kuwii dalka u dhashay,” ayuu yidhi Simon, oo intaas ku daray in dawladdu ay xoojin doonto tallaabooyinka ay kula dagaalamayso wax-is-daba-marinta.

Khuburo calaami ah ayaa sheegay in tallaabooyinka ay dawladda Uganda kula dagalaamayso musuqa ayna ahayn kuwo ku filan in la cidhib-tiro dhibaatada uu dalkaas gelinayo lunsashada hantida dadweynaha.

Agaasimaha guud ee isbahaysiga ka hortagga musuqmaasuqa ee dalka Uganda, Cissy Kagaba ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Turkiga Anadolu in dalka Uganda uu dhaqan u leeyahay isla-xisaabtan la’aanta.

Dowladda Uganda ayaa kaalinta 142-aad ka gashay shaxda lasoo saaray 2014-kii taasoo ku saabsanayd heerka musuqmaasuqa waddamada Calaamka oo lagu sameeyay 200 oo waddan.

Maal-gashadayaasha caalamiga ah ayaa markii ay tagaan waddanka Uganda si ay ugu sameytaan maalgashi waxaa la weydiiyaa lacago badan, taasoo ku keenta inay dib uga laabtaan dalkaas.

Sidoo kale, Simon Lokodo ayaa sheegay in dadka maal-gashiga ku sameynaya Uganda la weydiisto laaluush fara badan, isagoo yidhi. “Kuwani waa cadowga dalka, waxay laaluush ka badan 30% weydiistaan dadka maal-gashiga ku sameysanaya Uganda.”

“Tani waxay dhaawacaysaa ku dhaqanka sharciga. Waa in cid walba ay ilaalisaa sharciyada dalka iyo qorshayaasha lagu horumarinayo waddanka,” ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa, isagoo sheegay inaan laga guuleysan karin kuwa musuqa ku dhaqmaya haddii aan la isla xisaabtamin.

Dhanka kale, Lokodo ayaa intaas ku daray in Uganda ay soo mareen xaaladhii ugu xumaa ee musuq-maasuq, kaasoo ahaa in sannadkii 2012-kii la lunsaday lacag gaadhaysa 63.98-milyan oo doollar oo ahayd deeq Uganda la siiyay.

Ugu dambeyn, hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in 09-ka bishan December laga hadlo musuq-maasuqa caalamka ka dhaca; iyadoo ay Uganda isku dayayso inay dhinto heerka musuq-maasuq ee dalkeeda ka jira.