“UCID Ma Waxay Noqotay Jaamacadda Cayda Mise Waa Ka Siyaasad”

Hargeysa, (SLpost)- Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa xisbiga UCID ku masaalay inay yihiin jaamacadda Cayda. Waxaanu xidhibaanku su’aal iska weydiiyay in dhaqanka aflagaadadu yahay siyaasadda xisbigaas iyo in kale.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi waxa uu sidaasi ku faaqiday war-saxaafadeed oo xalay soo saaray, kaasoo u qornaa sidan:-

“Hadal uu yidhi nin aanu wada daawanay shir jaraa’id oo Cali Gurey qabtay ayaa wax weyn igu biiriyey. Wuxuu Cali Gurey ka hadlay Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi oo uu si maankayagu wada diiday u aflagaadeeyey.  Duqii I ag fadhiyey waxaa ka degi weydey ninka sidan u hadlayaa waa siyaasi weyn oo Guddoomiye ah oo weliba doonaya dadweynuhu inay dhegeystaan oo doortaan.  Show dhowr mar oo hore ayuu daawaday reer UCID oo marba si u caytamaya. Kuye “UCIDDU Ma Jaamacad Cayda lagu bartaa?!”

 

Uma diyaar ihi inaan soo qaato hadalladii cayda qaawan ahaa, waayo inaan qoro ma awoodo.  Damiirkaygaa diidan. Waa Ramadaan, dad waaweyn oo islaam ahna weynu nahay ma habboona inaynu aflagaado qorqorna…Waxaanse aad ula yaabay Cali oo hadalkiisa ku soo daray “Xirsi cidiba ma taqaan”…Amay weedhaasi is beenineysaa! Waa ‘Xirsi’ iyo ‘Cid ba ma taqaan’!  Malahayga Wasiir Xirsi maanta uma baahna in laga doodo in la yaqaan iyo in kale.  Waa waqti lumis, waxayna innaga noqonaysaa ‘hantaatac’.  Nin uu Cali Xanjeer ku sito oo saaka la ina barayo maaha.

Waa siyaasiyiinta “JIILKA CUSUB” shaqsiyaadka ugu magaca dheer.  Wuxuu leeyahay saaxiibo u dhinta iyo cadow ka dhinta.  Waa astaanta hoggaamiyaha ‘isbeddelka’ samayn kara.  Waxaynu wada ognahay inaan magaciisu ku ekeyn Somaliland oo keliya. waxaynuna hubnaa inta Afsoomaaliga ku hadasha ee siyaasadda ku jirta, ama waxa akhrida, ama wararka dhegeysataa haddii magaca ‘Xirsi’ ahba la soo qaado inuu marka koowaadba xusuustooda ku soo dhacayo ‘Mudane Xirsi Xaaji Cali’. Taasi wuxuu ku kasbaday dedaalka iyo firfircoonaanta joogtada ah, garashada, akhlaaq wanaagga, nafhurnimada, aqoonta iyo hal-buurka shaqo.  Intaasoo tilmaamood oo aan soo dareeriyey car  yaa I odhan waa beentaa!!…Qof asaraartamaya mooyaane insaan kale igulama dhiiranayo…Kusii fogaan maayo, waayo Xirsi ‘iidheh’ iigama baahna.  Wuxuu yahay, wuxuu gudo iyo wuxuu galoba inta la deristey, ama la hawl-gashay ama ay ‘col iyo nabad’ miduun isku muteen baa qiraysa. Kelmadda gawl-gawlan ee oday Cali ilaahay ka yeedhsiiyey waxaa innagaga filan xaqiiqada jirta…”Xaashee nin libin kaa xisdiyey, xumihii waa yaabe.”

 

Akhriste aan ku soo noqdo ubucda qormadaydan.  UCID ma Jaamacadda ‘Caydaa’ iyo ‘Aflagaadadaa’?!! Maxaa ka si’ ah Xisbigii UCID?  Waxaan oo cay ka baxaysaa ma ka siyaasad baa?!  Ma ka akhlaaq baa?!…Ma wareer kale oo innaga qarsoon baa?!..Yaab!…Bal dib u jaleec shirarka jaraa’id ee xad-dhaafka ah ee ay maalin walba qabtaan [maalmaha qaarkood dhawr goor ayay dhawr goobood ku kala qabtaan].  Bal dib u dhegeyso labada oday ee Faysal iyo Cali Gurey waxay qardoofo marba qof ku halgaadayaan!…Marba cid bay rinji marinayaan..yoolka lagu asqaysiinayo aflagaadadu mid fadhiya ama aad sii malayn karayso maaha.

Mar waa xukuumadda, mar waa masuul xukuumadeed, mar waa xisbi, mar waa shaqsi, mar waa shirkad, mar waa dal aynu deris nahay…marba meel bay la gashaa…Dabadeed aadanaha fiirsada, ama dhegeysta ama akhristaa mar wuu nixi, marna wuu ku qosli, marna wuu ka shakiyi.

Sidoo kale bal eeg waraysiyada iyo hadallada dhalinyarada aynu ilaa hadda u naqaan “Murashixiinta xisbiga” [oo iyagiyo Allohoode la igu yidhi Faysal baa u bixiyey Sooraan iyo Jawaan – Dad maadaynaya ee aan rasmi ahayn!]… Jamaal iyo Mataan…Intii hore dhalinyaro is ururisa bay ahaan jireen, mar dhexe bay wax daareen…Fadhadhaqday saareen…Cayda bay ku beretemeen!…Xanuunkii Ma odayaashay ka qaadeen?!..Miyay quusteen oo hadaladii Faysal baa ku soo duulduulay oo cadhaa madax martay?!…Ma markii hore bay is nabayeen oo dabeecadoodii rasmiga ahayd baa soo baxday?…Mooyi!

Mar kale, bal dhugo ereyada ay isticmaalaan hablaha mar walba ku hadla magaca UCID. Faallo dheer uma baahna.  Dhammaantood [odayaasha, dhalinyarrada murashixiinta ah iyo xisbiyahanada hablaha ah] dhawr qodob ayay ka siman yihiin. Ma soo gudbiyaan hadal aan aflagaado iyo qardoofo ku qooshnayn. Haddaad aad ugu fiirsato waxaad dareemeysaa markay ka hadlayaan horumar ama arrin caadi ah wejigoodi ash maaha, hadalkana wey ku mergadaan oo calaliyaan; balse markay shuqulkan ceeb saydh-saydhka ah bilaabaan waxaad moodi arday suurad uu kun goor xifdiyey subci la yidhi…Weger!..iyagoo muusoonaya bay dudubin!

Haddaba, halkaasi miyaanay kaaga muuqan kala duwanaanshaha kooxda UCID ee Cali ka midyahay iyo kooxda Xukuumadda ee Xirsi ka mid yahay. Miyaanay ina soo xusuusineyn hees-hawleedkii aynu geela ku shubi jirney eek ala tilmaameysey dhaqanka raga, waa tii lahayd:

“Wiilna murankiyo,

Maadda giriguu,

Kaaga maqanyahay

Wiilna muruq iyo,

Ha kuu miratiyo,

Maalistaaduu,

Kuugu maqanyahay yahay.”

Hadal yaan kugu daalin. Sidan si ina sii dhaqi karaysa maaha. Daw maaha in Xisbi dhan oo ummadi tacab gelisey sidan u tafaafulmo.  Inooma wanaagsana in jiilalka dambe ee hadda soo korayaa wareerkan ku indha dilaacsadaan, ku hadal bartaan oo ku tabobartaan.  Gar iyo daw toonna ma aha in dad masuuliyad sheeganayaa maalin walba dadka si shakhsi ah u aflagaadeeyaan haddana doonaan in la maamuuso.  Waxaan soo jeedinayaa in la helo dad dhexdhexaad ah oo u hawlgala toosinta habdhaqanka shirarka iyo hadalada shacabka loo gudbinayo, si loo waaniyo loona toosiyo ciddii ka baxda milgaha iyo tubta toosan ee tartanka siyaasadda. UCIDna haddii ay inuun waano qaadanayaan waxaan odhan lahaa sidan siu dhaama, dadka u dhaama, dalkana u dhaama – Haddii kale anna wixii igu miisa.”