U Hayaanka Guusha

 

Erayga Guul Markaad Maqasho waxay maskaxdaadu Sawiranaysaa,  Nolol barwaaqiyo badhaadhe ah. Taas oo ay ugu wacan tahay Markaad aragto Gaadhista Dad Magac yeeshay iyo Darajooyin la sudhay Qayrkaa. Iyadoo hadaynu sida dhabta ah u macnayno Guul ay tahay Adigoo ka badbaadey Naarta  Lana Kulmay Farxada iyo Jannoda lagu waarayo ee Aakhiro. Hadana Aduunyadaa Lurkeeda iyo kusii Tiigaaliddeedu iska badan tahay. Hadaynu u nimaadno Guusha Aduunyada waa wax lagusoo saaro Tacab  Jidh ahaaan Muruq ahaan iyo Maskax ahaaanba. Ma aha Guushu wax si sahal ah lagu helo, Si kale hadaan u dhigo Guushu waa Isgoyska ay ku kulmaan Diyaaar garoowga iyo Nasiibku. Waxay u baahan tahay Waqti iyoSamir.

Waxa laga yaaabaa inaad is weydiiso Su,aalo Mashquuliya Maskaxdaada Markaad Aragto Dad Noloshooda ,Hankooda iyo Himiladooda  ku Guulaystay. Su,aalahaas ayaa waxa kamida Sidee bay ku gaaadheen dadkani halkay manta joogaan? Hays waydiin Su,aashaas laakiin waxaad iswaydiisaa  Mudo intee leeg bay ku qaadatay Halkay gaadheen dadkasi? Runtii waa Su,aal Fahamkeedu yar Durugsan yahay laakiin Micno ahaan ku dhiirigalinaysa, Waxaadna Maanka ku Haysaa Odhaahdii odhanaysay Qof walba  wixii uu beerto buu goostaa Waayo ma jiraan  wax lagu gaadhayo ILbidhiqsi, Minute iyo Saacado toona. Guul waxay  ubaahan tahay Samir, Dulqaad, Naawilaad iyo Rajo. Sida Geedka marka la beerayo looga sugayo in la manaafacaadsado  ee loogu samrayo intuu ka baxayo ee uu Xidido, Jirrid, Caleemo ,Midho iyo Hadh la hadhsado samaynayo kana noqonayo Geed Buuxa. Ma aha intaas oo kaliya Guushu  waaaa wax ubaahan inaad waqti dheeer siiiso,Ogowna guusha waxa Gundhig u ah Han aad yeelato, Karti iyo Dedaal isdaba jog ah. Dadka Guusha gaadhay waa dad ka sheegan kana tilmaaaman bulshada inteeda kale ooh ore uqaaday  Talaabooyin ku dayasho mudan, waaa dad farta lagu fiiqoo Jab iyo Jid dheerba soo maray, Maamuus iyo Sumcadna ku leh bulshada dhexdeeda oo ku sifoobay ka mahadsheegasho bulshadu ka mahadsheegato. Target Point oo aad lahaaato iyo Maskaxda oo aad ku hayso Qaab sawir Nololeedka aad hiigsanayso inaad ku noolaato waaa waxa kuu sahli kara inaad gaadho guusha aaad rabtid inaad gaadho.Iyadoo ay sidaa tahay hadana waxa kula gudboon markaad gaadho halkaad beegsanaysay  inaad hadana wax kale ka midho dhaliso. Inkastoo wadooyin ay dadka qaar ku guulaysteen kuwo kale oo maray ku hungoobeen. Hadana waxa Hubanti ah haday kaa go,antahay inaad ka tagto halkaad manta joogto inaad ka war keeni doonto waxaad rabtid inaad gaadho. Dunidan Guusha la sheego waxa ku gedfan dhib, halgan,Daranyo iyo Diihaal.Waxa loo baahan yahay inaanad Niyad Jabin markaad Arrin ku guul daraysato, Waayo markastoo aad guuldaraysato ama fashilanto waa Markastoo Guushu kuu dhawdahay.Hadaba hadaynu soo sheegnay  guushu waxay tahay iyo Sifaha dadka guulaystayba aan wax ka tilmaamo Dhawr talaabooyin oo ku dhaxalsiin kara Guusha:

Ø  Isbadal dhaba: ugu horayn waxa aad u muhiima inaad la timaado isbadal si ay kuugu sahlanaatoJidka iyo halkaad geediga ku furan lahayd.

Ø  Ogow waxkastaa waxay leeyihiin bar bilow ilaa bar dhamaad maadaamoo aad tahay qof hadaf,han iyo himilo leh waa waajib inaad naftaada su,aalo waydiiso samaysataana waqti idiin gaara oo aad wada qaadatiin adiga iyo naftaadu waayo nafta oo aad su,aalo waydiiso waa waxa si degdega kuugu fududayn kara Yoolkaaga kuna dhiirigalin kara iswaydii su,aalahan soo socda:

Ø  Halkaad joogtaa manta?iyo halkuu hayaankaagu beegsanayaa oo aad rabtaa inaad gaadho?

Ø  Iswaydii maxaad ku wacan tahay oo aad Talent dheeraad ah u leedahay?

Ø  Calaamatul su,aal saaaro Qofka aad berry noqonaysid?

  1. Mustaqbalkaaga ukala saar mid dhow mid dhexe iyo mid fogba oo kala horaysii hawshaada waayo noloshu waa Jaranjar amba Salaan oo kale.

4.Go,aan iyo Karti dheeraad ah: waxa aan shaki ku jirin hadii aad leedahay Casiimo iyo go,aan adag inay ku dhaxalsiinayso Guul iyo Horumar. Qofkastoo doonaya inuu wax noqdo oo guushuu doonayo gaadho wa inuu fikirkiisa dadka usoo bandhigi karo, la dhagaysan karo kana dhaadhicin karo oo uu Awood uleeyahay.

  1. Iswaydii maxaa kuu qabsoomay iyo maxaa kuu hadhay?
  2. iswaydii : maxaad dunidan kusoo kordhin kartaa aad uga tegi markaad hoyato ama dhimato Maahmaah soomaaliyeed baa tidhaahda:Waari mayside War hakaa Hadho.

7.Had iyo jeer ku dedaal cibaadada Alle oo qabso xadhigiisa.

8.Haday waalidkaa noolyihiin unoqo Baari waayo Ducada waalidku waa guul .

9.Kalsooni: dhamaan dadka raba inay noloshooda ka sameeyaan guul waxa hubanti ah inay Kalsooniyi ku waajib tahay waayo naftaada oo ad kalsooni siisaa waxay kugu cadaadinaysaainaad riyadaada rumayn karto aadna istaagi doonto meel ka fiican halkaad maanta joogto.

  1. Isku day inaad bulshada ku yeelato dad caqliga u saaxiiba oo maskax fayow oo kaa gacan qaban kara xaqiijinta hadafkaaga hiil iyo hoooo ba kula garab taagan sida, Xaas/Sey wanaagsan iyo asxaap fiican oo kugu dhiirigaliya yoolkaaga.

11.Samir iyo Dulqaad: waa muhiiim inaaad usamirto waxaad hiigsanayso iyo goortaad gaadhaysoba, dhib kasta iyo hantaaaq kastaba umaroo u samir maxaa yeelay ma jiro sida la ogyahayba wax saacado, maalmo iyo sanado kooban lagu gaadho. Maahmaah soomaaliyeed baaa tidhaahda:Samraa Sedkii Hela.

12.Isla xisaabtan oo hubi inaad Toobiyihii Toosnaa hayso sababtu tahay naftoo aad la xisaabtanto baaa ku tusaysa inaad gaabis tahay dhaliishaada iyo waxaad ku saxsan tahay labadaba.

  1. Noqo qof dhib iyo shar yar oo dadku ka nabad galaan Af iyo Adin ba oo dhawrsoonaan ku sifooba.

By Asiya Cawil Nageegir

Alla Mahad leh