Tuulo Ka Mid Ah Minnesota Oo Rabshado Ka Dhexqarxeen Dadkii Cadaanka Ahaa Iyo Soomaalida

 

Us(SLpost)-Xiliyadii u dambeeyey magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka waxa ka jiray xiisado dhinaca isirka ku saleysan, kuwaas oo u dhexeeya bulshada Soomaalida iyo dadka caddaanka ee gobolka horay u degenaa.

 

Dhibaatooyinka ilaa hadda la soo sheegayo waxa ka mid ah in baabuur ay dad Soomaali ahi leeyihiin la burburiyey.

Madaxda magaalada ayaa kulan la qaatay bulshada Soomaalida, waxayna ballan qaadeen in xiisadda ay wax ka qaban doonaan. mudoouinkii ugu danbeeyayba waa ay isa soo tarayeen falalkan cunsuriyada ku salaysan ee dadka tuuladani ay ku colaadinayeen dadka Soomaalida ah waxaana baraha bulshadu ay ku kulanto ay ku baahinayeen in Soomaalida la weeraro lagna saaro deegaanooda.