Tuugta Hargeysa oo bilaabay qaab ka duwan habkii ay waxyeellada iyo boobka ugula kici jireen Dadweynaha

Hargeysa  (SLpost)- Tuugta ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ee ku shaqaysta tuugonimada, ayaa maalmihii u u dambeeyay ee Bisha barakaysan ee Ramadaan si badheedh ah u caddeysta Budhcadnimadooda, isla markaana bilaabay qaabab cusub oo ka duwan sidii ay hore wax ugu dhici jireen ama u boobi jireen.

Suuqa dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa sannad kasta maalmaha u dambeeya Bisha Ramadaan isu-beddela cidhiidhi, kaasoo ay sababto u diyaar-garawga Munaasibadda Ciidal-fidriga awgeed, iyadoo ay waqtiyadaas ka faa’iidaystaan kooxo ku shaqaysta Tuugnimo, iyagoo iskuday-gooda u fushada si aan gabbasho lahayn, taasoo ay kaga faa’iidaysanayaan cidhiidhiga iyo saxmada Suuqa Caasimadda oo aad mashquul u ah.

Bashiir Maxamed Jaamac oo ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ayay kooxo tuug ahi ay si badheedh waxyeelo ugu gaysteen badhtamaha oo uu xilligaa ku sugnaa. Bashiir  ayaa sheegay inay soo weerareen koox ku hubaysan mindiyo, kuwaasoo uu tilmaamay inay waxyeello gaadhsiiyeen, lacagna ay ka qaateen.

“Anigoo maraya Suuqa dhexe oowata gaadhi Landcruiser ah ayaa saddex nin oo midi ahaan jiray Booliska dawlada hoose ay isoo weerareen, kuwaasoo ku hubaysnaa mindiyo, midi gaadhiga ayuu is-hortaagay, midina Mindidii ayuu igu qabtay, waxaanu igu yidhi caloosha ayaan kaasoo ridaynaa haddaanad noo dhiibin waxaad hayso, waxaanay waxyeello iga gaadhsiiyeen gacan aan hore uga jabnaa, lacag aan jeebka ku sitayna waan waayay.” ayuu yidhi Bashiir Maxamed Jaamac ka waramay qaabkii ay wax u dhaceen.

Bashiir Maxamed Jaamac waxa ugu baaqay Xukuumadda iyo Ciidamada amaanka inay wax ka qabtaan ammaan xumada kasoo kordhaysa xilliyada Ciida Suuqa dhexe ee Hargeysa, waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya. “Waxaan soo jeedinayaa oo aan xukuumadda ugu baaqayaa in wax laga qabto amniga suuqa dhexe oo imika noqday mid aanau ammaankiisu fiicnayn.”

Maaha markii ugu horeysay ee kooxo noocan oo kale ahi ay waxyeello u gaystaan dad shacab oo ka adeeganaya suuqa, balse maalmihii u dambeeyay waxa dadweynuhu ka cabanayeen kooxa budhcad-mobileed ah oo si badheedh ah suuqa dhexdiisa ula carara Mobile-ka gacanta, iyagoo ka faa’iidaysanaya cidhiidhiga suuqa ee uu sababay adeegyada dadweynaha ee u diyaar-garawga Ciidal-fidriga.

Sidoo kale, waxa tan iyo bilawgii Bisha Barakaysan ee Ramadaan isa soo tarayey weerarrada ay Tuugta Caasimaddu ay dadweynaha ugula kacayaan boobka cad ee aan gabbashada lahayn, iyaga oo boobaya Rag iyo Dumarba, ha u badnaadeen Dumarka oo ay badanaa Xilliyada habeenkii Suuqa kaga furtaan Shandahada ay Gacmaha ku qaataan iyo sidoo kale kuwa ay Degta sudhaan labadaba. Waxay Tuugtu toddobaadkii hore dhaawacyo gaadhsiiyeen Gabadh dhalinyar ah oo ay waydiiyeen Shandad ay Garabka ku sidatay, taasoo markii ay is-yar adkaysay si toos ah Mindi halis ah Wadnaha hoostiisa ugaga dhufteen wixii ay sidatayna ka dul-qaateen  Suuqa Hargeysa, gaar ahaan Sekadda City Center ee Kidinka Sariibadda Hargeysa laga galo.

Si kastaba ha ahaatee dhibaatooyinka dadweynaha ay ku hayaan Tuugtani kaliya intaa kuma koobna hase ahaatee, waa mid barriinsaday bulshada, inkasta oo bilihii la soo dhaafay aanay sidan oo kale weerarro qaawan aanay samayn jirin, balse ay hadda dib u bilaabeen iyadoo weerarrada noocaas ah ay wakhti kooban dadweynaha reer Hargeysa u muuqdeen kuwo ka yar nastay. Waxaana loo baahan yahay inay Ciidammada Ammaanka ee Caasimaddu ay si foojignaan le hula socdaan tallaabooyinka axmaqnimada ah ee ay Budhcadda Tuugtu ku hayaan bulshada.

Xigasho: Ogaal