Turkiga Waa Dalka Labaad Dunida Ee Ka Ganacsiga Musalsallada, Sannad Kastana $280 Milyan Ayuu Ka Helaa

Ankara (SLpost)- Agaasimaha fulinta ee shirkadda Global Agency ee dalka Turkiga Cizat Beyntu ayaa sheegay in dakhliga dalka Turkiga ka soo gala iibka filimmada taxanayaasha ah (Musalsal) ee talefishannadu ka iibsadaan ay sannad kasta gaadho 280 Milyan oo doolarka Maryakanka ah, halka siddeed sano ka hor uu dakhligaasi ahaa Boqol kun oo doolar oo keliya.

Agaasimaha oo ka hadlayey kulan-aqooneed ay uu soo qaban qaabiyey golaha iskaashiga caalamiga ah, kaas oo lagaga hadlayey raadka uu fanku ku leeyahay dhaqaalaha. Beyntu waxa uu sheegay in dalkiisu uu horumar ka gaadhay soo saarista musalsallada oo suuq eyn oo caalamiya ka helay dunida. Dhinaca kalana Teymor Sawuji oo ah ninka soo saaray musalsalka caanka ah ee ‘Xariiimu Suldaan’ ayaa sheegay in illaa hadda dalalka musalsalkiisan iibsaday ay marayaan afartan, halka qiyaasta tirada dadka daawadayna ay ka badan tahay Afar boqol oo Milyan oo qof dunida oo dhan.

Sawuji waxa uu intaas ku daray in raadka ay musalsalladani ku yeesheen dhaqaalaha Turkigu uu yahay mid muran la’aan ah, oo tusaale ahaan waxa ay samaynta filimadu abuurtay fursado shaqo oo badan. Marka laga tago kuwa sida tooska ah uga shaqeeyana waxaa isaguna jiro dhaqdhaqaaq suuqa ah, si korodhka meheradaha iyo shirkadaha dharka munsaabadaha gaarka ah soo saara iyo shirkadaha qurxinta iyo qalabka la isku qurxiyo. Isaga oo hoosta ka xariiqay in dalka Turkigu uu saddexdii sano ee u dambeeyey Caalamka kaalinta labaad kaga jiray dhoofinta iyo ka ganacsiga filimada taxanaha ah (Musalsalka). 

Xigasho Geeska Afrika