Turkiga Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Barta Wikipedia

(SL.Post) Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa xayiraad dalka oo dhan ah waxa ay ku soo rogeen barta internetka ee Wikipedia oo ah mid ka mid ah website-yada ugu caansan dunida.

Ma ay cadda sababta xayiraadda loogu soo rogay bartaasi.

Kooxda loo yaqaan Turkey Blocks ayaa sheegtay in isticmaalka bartaasi lagu joojiyay amar ka soo baxay mas’uuliyiinta Turkiga.

Dadka ku nool magaalada Istanbul ayaanay u suuragelin inay daalacdaan bogga Wikipedia haddii aanay isticmaalin barnaamijka loo yaqaan Virtual Private Network (VPN).

“Kaddib falanqeyn iyo tixgelin dhanka sharciga ah oo ku salka ku haysa qodobka Nr. 5651, ayaa waxaa tallaabo laga qaaday bartan internetka ah.” waxa sidaasi laga soo xigtay Hay’adda Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Tiknolojiyadda ee Turkiga.

Wax sabab ah lama sheegin.

Kooxda Turkey Blocks iyo warbaahinta Turkiga oo uu ka mid yahay wargeyska maalinlaha ah ee Hurriyet Daily News, ayaa sheegay in amarkan ku meelgaarka ah uu maalmaha soo socdo u baahan yahay in lagu xoojiyo xukun maxkamadeed oo dhamaystiran.

Markii amarka xayiraadda uu soo baxay ayaa waxa buuq laga dareemay baraha ay bulshadu kuwada xidhiirdho, iyadoo qaar ka mid ah dadka barahaasi isticmaalana ay isladhexmarayeen in ay suuragal tahay in arrintan la doonayo in lagu caburiyo dhaleecaynta ku daabacan bogga Wikipedia uu uga hadlo Madaxweyne, Recep Tayyip Erdogan.

Turkiga ayaa hore si ku meelgaadh ah u xayiray baraha bulshada ay kuwada xidhiidho ee caanka ah ee ay ka midka yihiin Facebook iyo Twitter, gaar ahaan markii ay jiraan dibadbaxyo waa wayn ama weerraro argagixiso.

Dowladda ayaa hore u diidday inay faafreebto internetka, waxa ayna eedda kala go’a isticmaalka internetka dusha uga tuurtay koronto la’aan kaddib dhacdooyinka waa weyn.

Somalilandpost.net