Turkiga oo Soo Riday Diyaarad Ruushku Leeyahay

Turkey(SLpost)-Diyaarad Ruushka uu leeyahay oo ah nooca Su-24 ayaa lagu soo riday dalka Suuriya. Saraakiil militeri o Turki ah ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ay soo rideen diyaaraddaasi oo ku soo xadgudubtay hawadeeda.

Ruushku waxay beeniyeen in diyaaradoodu gashay hawada Turkiga. Warbaahinta Turkey-ga ayaa sheegtay in diyaaradda dagaalka ah ay ku dhacdey gudaha Suuriya.

Muuqaal la soo bandhigay ayaa laga arkay diyaaradda oo gubanaysa xiliga ay dhulka ku soo dhaceysay.

Labadii duuliye ee kaxeynayey diyaaradda ayaa ka soo booday, warbixinnada ayaa sheegaysa in mid kamid ah uu haatan gacanta ugu jiro xoogagga Turkmen ee kusugan Suuriya.

Saraakiisha Turkey-ga ayaa tilmaamey diyaaradda in digniino loo gudbiyey ay dhagaha ka fureysatey.