Turkiga Oo Samaysanaya Wershad Nukliyeer

Ankara, (SLP)- Ururrada ilaalinta deegaanka u ololeeya ayaa mudaaharaad ka horsameeyay goob uu dhagax-dhigayay wasiirka tamarta ee Turkiga, oo laga samaynayo warshadii u horeysay ee Koronto Nukliyeerka laga dhalin doono.

Mudaaharaadayaashu waxay isku dayeen inay masuuliyiinta ka hor istaagaan goobta dhagax-dhiga, balse waxaa lagu kala eryay biyo kulul.

Warshadaas oo ay ku kacayso labaatan bilyan oo doolar, oo laga dhisayo gobolka bariga ku yaala ee Mersin, waxaa dhisi doona shirkadda Nukliyeerka ee Ruushka ee Rosatom.

Waxay qayb ka tahay saddex warshaddood oo koronto ka dhalinaya Nukliyeer, kuwaasoo looga gol leeyahay in Turkigu uu ku yareeyo ku tiirsanaanta Korontada uu soo iibsado.

Laakiin qolyaha diidan mashruucani waxay sheegayaan inay goobtaasi ay tahay meel u nugul dhulgariir, isla markaana ay ku badan yihiin duurjoogtu.

 

Somalilandpost.net