Turkiga Oo Saldhig Milatari Ka Samaysanaya Somaliya Iyo Dareenka Taagan Ee Reer Somaliland

Istanbul(SLpost)-Dawladda Turkiga ayaa sheegtay inay saldhig milatari ka dhisanayso wadanka Somaliya.

Emel Tekin oo ah madaxa wasaarada arimaha dibada dowlada Turkiga ee masuulka ka ah howlgalka Soomaaliya ayaa qirtay in dowladeedu ay Saldhig Military ka dhisayso magaalada Muqdisho kaas oo lagu tababari doono ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo ay Xukuumada Ankara ka hirgalinayso gudaha Soomaaliya,waxayna tani qeyb ka tahay heshiis hore u dhaxmaray dawladaha Turkiga iyo Soomalaiya.“Saldhigan military wuxuu fududeyn doonaa islamarkaana wuxuu saldhig u noqondoonaa tababarada milatry ee qaarada afrika” sidaa waxaa tidi Emel Tekin.

Waaxda daafaca baarlamaanka Turkiga ayaa 9 bishii tagtay qalink ku duugay heshiis military oo ay wada saxeexdeen wasiirada daafaca Turkiga iyo Soomaaliya.

Dawladda Turkiga ayaa hore u bilowday dhismaha cidanki Cirka Somaiya, waxaa muuqata in Turkigu Somaliya u dhisayo ciidamada kala duwan ee Somaliya. Waxaanay dhismaha ciidamadan Turkigu ku soo beegmayaan iyadoo uu Turkigu geesta kale ku mashquulsanyahay wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, iyadoo la ogyahay doorkii ay ciidamada kala duwan, gaar ahaan ciidankii cirka Somaliya ku lahaa xasuuqii loo gaystay shacabka Somaliland.

xigasho Geeska Afrika