Turkiga Oo Lagu Dhaliilay Qaxoonti Suuriyaan Ah oo Uu Khasab Dalkooda Ugu celiyay

urky(Slpost)-Hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegaysa in Turkiga uu kummanaan qaxooti Suuriyaan ah uu ku khasbay in ay dib dalkooda ugu laabtaan, arrintaasi oo meel ka dhac ku ah qanuunka caalamiga ah.

Cilmibaarayaal ka tirsan hay’addani oo ku sugan koonfurta Turkiga ayaa sheegay in dalkaasi Turkiga laga musaafurinayay maalin kastaa ku dhwaad 100 qof oo reer Suuriya tan iyo bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan.

Midowga Yurub ayaa dhawaan heshiis kula galay Tuirkiga in qaxootiga reer Suuriya ee gaaray jaziiradaha Giriigga dib loogu celiyo Turkiga.

Balse Amnesty waxa ay sheegeysaa in warbixinadeeda ay muujinayaan in Turkiga uusan ahayn waddan ay ku badbaadayaan qaxootiga reer Suuriya.

Dowladda Turkiga ayaa beenisay in ay dad qaxooti ah ay xoog ugu celisay Suuriya.