Turkiga Oo Ka Cadhooday Diyaarad Ruushku Leeyahay Oo Hawadiisa Soo Gashay Digniina U Diray Dalkaas

Turky(SLpost)-Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa uga digay Ruushka in uu la kumayo cawaaqib kaddib markii uu ku eedeeyay in diyaarad dagaal oo dalkaasi laga leeyahay ay mar kale ku soo xadgudubtay hawadooda sare.

Xukuumadda Ankara ayaa sheegtay in arrintan ay dhacday Jimcihii, waxa ayna sidoo kale sheegeen in duuliyaha Ruushka digniin horudhac ah loogu sheegay luuqadaha Ingariiska iyo Ruushka.

Ruushka ayaa eedeyntan ku tilmaamay mid aanan jirin, laakiin NATO ayaa ugu baaqaday Moscow in ay xurmeyso hawada sare ee dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga NATO.

Bishii November, Turkiga ayaa soo riday diyaarad dagaal oo laga leeyahay Ruushka, iyaga oo sheegay in ay ku soo xadgudubtay hawada sare, arrintaas oo isku badashay dhibaato diblumaasiyadeed taa oo Ruushku cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha ah uu ugu soo rogay Turkiga.