Turkiga Oo Ka Cabaaday Qaraxyada Ku Habsaday Codsadayna Taageero Caalami Ah

Turkay(SLpost)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga waxa uu sheegay in dalkiisa uu filayo taageero kaga timaada dalalka EU iyo qeybaha kale ee caalamka oo lagula dagaallamo “argagixisada.”

Mevlut Cavusoglu waxa uu tilmaamay in Turkiga uu sii wadidoono la dagaallanka kooxaha xagjirka ah.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay inay kula dagaallamayaan gudaha iyo dibadda dalkooda.

Waxa uu hadalkaasi jeediyay kaddib weerar isqarxin ah oo ka dhacay Istanbul oo afar qof ay ku dhinteen inkabadan 30 kalena ay ku dhawacmeen.

Dadka dhintay waxaa kamid ah laba qof oo Israa’iil u dhashay, oo sidoo kale baasaboor Mareykan ah haystay iyo qof Iiraan u dhashay.

Majirto koox sheegatay weerarkaasi illaa iyo hadda.

Qarax weyn oo magaalada Ankara ka dhacay isbuucii tagay oo dad badan ay ku dhinteen waxaa sheegatay kooxda kurdiyiinta.

Bishii January, qof isqarxiyay oo loo maleynayo inuu Daacish ka tirsanaa ayaa 15 qof oo dalxiisayaal ah ku dilay Istanbul.