Turkiga: Ma aanan celin qaxootiga Suuriya

Turkiga(SLpost)-Dowladda Turkiga ayaa si weyn u beenisay eedeymo sheegaya in ay jebisay sharciga caalamiga ah ka dib markii ay qaxooti Suuriyaan ah ku celisay dalkooda.

Qaar ka mid ah qaxootigaasi ayaa BBC u sheegay in ciidammada Turkiga ay soo qabteen xilli ay u gudbi rabeen Giriiga, ka dibna lagu khasbay in ay saxiixaan warqado sheegaya in ay si iskood ah dib ugu laabanayaan Suuriya.

151006175106_millions_more_refugees_could_flee_syria_turkey_warns_eu_624x351_ap_nocredit

Dadkaasi ayaa inta gawaari lagu qaaday la geeyay gudaha dalkooda. Hay’adda xuquuqul insaanka u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in dadkaasi ay tiradooda gaari karto ilaa boqolaal qof.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in dhamaan dadka la celiyay ay iskood u laabteen ka dib markii la weydiiyay waxa ay rabaan.

Sharciga caalamiga ah ayaa dalalka ka mamnuucaya in ay dad ku celiyaan goob uu dagaal ka socdo.