Turkey oo Soo Riday Diyaarad Nooca aan Duuliyaha Lahayn Ah

Ankara(SLpost)- Turkiga ayaa sheegtay inuu soo ridday diyaarad aan la garaneyn cidda leh oo kusoo xadgudubtay hawada dalkaas ee dhinaca xuduudda Syria.

Hadal qoraal ah oo kasoo baxay milatariga Turkiga, ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay iska indha tirtay saddex digniin oo la siiyey, kahor inta aysan milatariga Turkiga soo ridin diyaaraddaas maanta oo Jimce ah.

Taleefishinka Turkiga ee NTV ayaa sheegay in diyaaraddu ay ahayd midda la hago ee aan cidna wadin, laguna soo riday hawada Turkiga, meel saddex KM u jirta xuduudda Syria.

Sarkala aan la magacaabin oo Mareykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay rumeysan yihiin in diyaaradda uu lahaa Ruushka, hase yeeshee wasaaradda gaashaandhigga Ruushka waxa ay sheegtay in dhammaan diyaaradaheeda howlgallada ka wada Syria ay si nabad galyo leh ugu soo laabteen saldhigyadooda.

Turkey ayaa horey usoo ridday diyaarad laga lee yahay Syria oo kusoo xadgudubtay hawadiisa, isaga oo sidoo kalena ka ashtakooday laba xadgudub oo diyaaradaha Ruushka ay ku sameeyeen hawadiisa.