Tunuusiya Oo Mudaharaadyo U Eeg Kuwii Xukuumadii Hore Lagu Riday Ay Gilgileen

Tunisiya(SLpost)-Dibadbaxyada shacabka ee dalka Tunisiya ayaa waxa ay ku sii fidayaan dhammaan magaalooyiinka dalkaasi. Xalay, rabshado u dhexeeyay booliska iyo isu soo baxayaasha ayaa waxa ay gaadheen caasimadda dalkaasi ee Tunis.

Markii hore waxa ay mudaaharaadyada ka bilowdeen magaalada ku taalla bartamaha gelbeedka ee Kasserine ee ku dhow xadka Algeria. Dadka waxa ay dalbanayaan shaqo abuuris, hormar iyo baaritaan lagu sameeyo musuq lagu eedeeyay saraakiisha maamulka deegaanka.

Magaaladaasi waxaa xaalad degdeg ah lagu soo rogay talaadadii, waxaana la saaray bandow. Dibad baxyada hadda ee Tunisiya waxa ay soo jiidanayaan dareenka xasuusta isu soo baxyadii 2011kii ee xilka lagaga tuuray maamulkii waqtiga dheer dalkaasi ka jiray ee Zine Al-Abedine Ben Ali.

Mudaaharaadyada hadda waxa ayu ku fideen badhtamaha illaa koofurta iyo waqooyiga maalin gudaheeda. Habeenkii khamiista, saraakiisha amniga waxa ay sheegeen in qeybo ka mid ah caasimadda dalkaasi ay dibadbaxyo gilgileen.

Waxaa ay sheegayaan in dadka qaar ay iskudeyeen inay jebiyaan oo ay bililiqeystaan xarumo ganacsi, taas oo dhalisay in ciidamada amniga iyo dadkaasi ay isku dhacaan.

Magaalo ku taalla koofurta dalka waxa la gubay laba saldhig boolis iyo todobo gaari oo nooca ciidamada ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha. Magaalooyiin kale oo dhowr ah, dad ayaa jidadka isugu soo baxay, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Maamulka hadda dalkaasi ka arrimiya waxa uu codsanayaa in waqti loosiiyo isbedel ay ku sameeyaan xeerarka qaar si wax looga qabto shaqa la’aanta heerkeedu sareeyo ee Tunisiya.

Isu soo baxyada waxa ay ka dhasheen kaddib markii wiil yar oo ku sugan Kasserine uu ku hanjabay inuu isdilaayo markii warqadihiisa codsiga shaqada la diiday. Si aan ulakac ahayn ayey koronto u qabsatay kaddib markii uu isku deyay inuu ka soo boodo tiir koronto.