Tufaaxii aan tirsaday

Galab ayey qoraxdu iigu dhacday magaalada Boorama ma rabo in u hooydo magaalada oo ujeedkayguna muu ahayn markii horeba , waxaan ahay nin safar ah oo waxaanan sitaa alaabo qofkii I arkaaba garan karo in aan safar ahay xataa isaga oo aan I weydiinin.

Markan Hargeysa oo ah meesha ugu badan ee aan ku noolahay kuma socdo ee Jabouti oo aanan hore u arag marka laga tagi waayo hal mar oo aan garoonkeeda safar ahaan ku yara hakaday ayuu markan safarkaygu u jihaysan yahay .

Idinkuba (Akhriste) waad samaysaan oo markaad rabto inaad kursi ku fadhiisato ha ahaado mid safar ama mid yaalla goob nasasho amaba kursi uun kuwa kalena ka ag dhaw yihiin waxaad kala doorataan kii aad ku fadhiisan lahayd waxaad doonto adigu ku xula oo.

Waxaan soo istaagay goobtii ay ka baxayeen baabuurta Jabouti oo magac ahaana loo yaqaano Qareengoo, baabuurka kalka u leh/fursada bixitaan waa ka ugu cusub nasiib wanaag ee u baxa Jabouti siday ii sheegeen dadka ku xidhani markan jawigu waa habeen ka xoog batay iftiinkii ka sii hadhay maalintii tagtay .

Markii aan soo istaagay ayaan isha ku dhuftay kursi meel dhexe ku yaalla oo ay ka shisheeyaan laba qof meel loogu talo galay inay fadhiistaan balse hal qof uun ku wanaagsan marka laga hadlaayo baabka raaxda nafta .

, waan ku fadhiistay waxaan ka war-warsanahay cidhiidhiga ay noqon doonto markay laba qof oo aanad ogayn xajmigoodu ay soo fadhiistaan halkan yar ee igu xigta .

Qaybta soko ayaan kaga fadhiistay waxa soo istaagtay gabadh dhallinyaro ah oo aan markii hore u kala garan waayey inay sii macasalaamaynayso qof ehel ama asxaab ah oo ka mid ah rakaabka saaran baabuurka iyo inay safar tahay aniguse aan jelcaystay inay safar noqoto sidayda oo kale .

Tii aan jeclaa ayaaba dhacday oo gabadhu waa safar waxayna sidaydii si la mid ah raadinaysaa kursi ay u bogto oo ay ka raacdo baabuurka, aniguna waxaan hayaa laba kursi oo aanan garaynin cid aan u hayo , iyadii ayaan ku idhi” walaal kan maad soo fadhiisan ,? Warba kamay soo celine way soo fadhiisatay .

Wax yar uun ka dib ayuu nin aad u xoogweyn soo istaagay isna , markan waxa banaan laba kursi oo midi yahay kan ku fiicnaa in aanay cidi soo fadhiisanin cidhiiddhiga na qabsan doona dartii .

Inta aanu la hadal ninkii baabuurka kiraynaayey ayaan anigu ku idhi kan waa la fadhiyaaye kaa dambe iska fadhiiso aniga oo ka difaacaya inuu nala soo fadhiisto .

Ninkii fadhiisay markan kaliya waxa banaan kursiga nagu xiga , cabaar ayaanu taagnayn waxaan fahmay in la sugaago qof halkan buuxiya , ninkii darawalka ahaa ayaan ku idhi anaga ayaa bixinayna lacagta kursigan ee na socodsii , markaan leeyahay anaga hadda ogow oo gabadha la maan tashanin ee aniga ayuun baa jeclaystay , lacagtii ku daray kursiga kale . soconay .

Gabadhan ayaan wax yar idin barayaa magaceedu waa Sahra waxay ku dhalatay Jabouti balse waqtiga xagaaagii ayey Borama oo qoyskeeda qayb ka mid ahi degan yihiin timaadaa da’ahaana labaantanka sannad ama laba ayaa u dheer muuqaal ahaan waa maariin , dherar ahaana gabadhnimo uma gaabna wajigeedu waxa uu samaysan yahay muuqa loo yaqaano (V ) ama waji shuban oo aan wareeg sanayn.

Markan waxa noo banaan in aanu is barano oo sidaad ogtihiin marka dadka Soomaalida ahi meel iskugu yimaadaan amni ah waxay bilaabaan inay is bartaan gaar ahaan marka safarka la yahay .

Isbaranay gabadhii oo markiiba ii sheegtay inta aan idinka sheegay in iyo kaleba oo kaftan iyo qosol ku jiro .

Anigu cumar ahaan waxaan si gaar ah ugu baahnay in jidka la sii maraayo la I baro oo la iiga waramo magacyadiisa iyo walxo la hal maala .

Jidku waxa uu u badan yahay raf oo dadku markiiba way daaleen wayna seexdeen badankoodu oo caruur ayaaba ku jirtay, aniga iyo sahra toona hurdo naga dheer oo waxaanu haysanaa kursiga ugu nafiska badan baabuurka marka laga reebo darawalka ta kale waxa noo daaran cajalado aan dhamaanaynin oo kaftan iyo sheekooyin xiiso badani ku duuban yihiin .

Habeenkii oo dhan waa la sii socdaa subaxii markii uu waagii daalacay ayaanu gaadhnay Lawyo caddo oo ah xadka Jabouti looga gudbo marka laga tago dhinaca Soomaaliland .

marka halkan la soo gaadho dadku way kala qaybsan yihiin oo qaarkood waxay ku fikirayaan sidii ugu gudbi lahaayeen dhinaca Jabouti oo waa kuwa aan haysanin wax cadaynaya indalka Jabouti looga ogol yahay in uu soo galo amaba ahaanshiiyaha muwaadin u dhashay Jabouti ama paasport ay jabouti aqoonsantahay . qaarna kamaba qasnee waxay tirinayaa inta daqiiqo ee uga hadhsan in ay guryahoodii gaadhaan. Oo waakuwa kaduwan kuwaas hore

Anigu Cumar ahaan waxaan ku jiraa qoloda ka war-warsan oo laba Passport oo aanan garanaynin in mid uun la ii fiisayn ayaan sitaa oo mid Soomaali yahay midna Soomaaliland ah , waxaan markiiba dadkii weydiiyey labadan kii aan la tagi lahaa xarunta socdaalka ee Jabouti ee ku taalla xadka .

Sahra iyadu markiiba waxay la soo baxday Passport jabouti-ayaan ah waxayna ka mid ahayd dadkii ugu horeeyey ee ka hawsha hubinta loo dhammeeyey balse may gudbine oo aniga ayey rabtaa inay taagteeda I caawiso ,way noo soo gashay aniga oo la taagan nimankii wax baadhayey .

markan waxba igama xuma oo waxa la isiinayaa Passportkii oo la iigu dhufanayo dal ku galkii, Sahra oo markii horeba ka walaacsanayd in aniga la ii joojiyo ayaa ninkii taliyaha goobta ku tidhi hadal aanu su’aalin oo waxay tidhi “ ninkan maxaa la weydiinayaa waa walaalkaye? Shaqadii joojiyey ninkii Passport-kayga gacanta ku hayey oo Sahra ayuu ku yidhi sheeg magaciisa haddii uu walaalkaa yahay? Waxay si kalsooni ah leh ugu tidhi waa cumar, dhamaystir ayuu ku yidhi taliyihii halkaasi markay marayso way aamustay , anigu ma odhan karo waa beenteed balse arkay in meesha shaki soo galay , iyadii inay baxdo ayaa lagu amray , waliba inay xuduudka dhaafto oo baabuurka oo dhinaca jabouti taagan ay u tagto .s

anigii ayey sheekadu hadda I maraysaa waxa la I weydiiyey su’aalo dhawr ah oo u badan waxaan jabouti u tagaayo ,markii dambena meel geed hoostii ah ayaa la I yidhi fadhiiso halkii ayaanan fadhiyey ilaa casarkii .

waxaana la ii sheegay in sida kaliya ee la iigu fasaxi karo inaan jabouti galo ay tahay inaan la hadlo qof Jabouti jooga kiina uu ii yimaado.

Nuur oo ah saxiib aan waqti badan wada qaadanay oo ka tirsan shaqaalaha safaarada maraykanka ee Jabouti ayaa ii yimi sidii ayaanu igu qaaday oo aan ku galay Jabouti .

Arrintase wali dhimani waxay tahay Sahra siday u ogaan kartaa inaan soo galay Jabouti oo aan soo dhaafay Kaantaroolkii , markiiba waxaan xusuustay in xalay markii sheekadu noo socotay aan mar weydiiyey numberkeeda iyana ay ii sheegtay balse sheekadii wacnayd darteed saw maan xifdiyin/save-garayn ee waan ka laabtay intaan qoray kaliya . ileen xisaabta kumaan darsanba iswaa ayaa dhici doonee,.

Nuur iyo laba saxiib oo la socday oo baabuurkooda igu qaaday waxaan isla markiiba weydiiyey Jaamacada Jabouti meesha ay ku taallo iyo waqtiyada la dhigto oo ogow oo Sahra ayaa ii barashadii iigu dartay inay Jaamacada dhigato .

Habeenkii kale jabouti waagiiisii iigu bari , subaxii saxiibo badan la kulmay ii yimaade markiiba waxay

I weydiiyeen meelaha aan xiisaynaayo in la I tuso , waxaan ku idhi oo aan waliba dhawr mar ku cel-celiyey in jaamacada ugu horayn la ii geeyo , qorshaha iiguma jirto in ay dhici karto inaanay Sahra imanin madaama ay shalay uun ay safar ka timi,.

Jaamacadii tagnay oo la kulanay ardaydii oo badankoodu u oo baxay waqtiga nasashada waxaan raadinayaa Sahra gabadhkasta oo leh tilmaamihii aan idin sheegay ama u dhaw aad ayaan u fiirinayaa, xataa waxaaban ku fikirayaa haddii aad adigu garan waydo iyadu ha ku garato ee Istus uun horta .

Weynay sidii si la mid ah ayaan maalin kale sameeyey hadana oo aan saxiibo kale u soo kaxaystay jaamacadii walise kumaan guulaysanin.

Aniga oo aan garaynin meel kale oo laga heli karo Sahra oo xataa waxaan ilaabay magaca xaafadii ay tidhi waan deganahay madaama aanan Jabouti kala aqoonin , Isla maalimahaygii maalin ka mid ah waxaan booqday xarunta Raadyaha iyo Tv-ga Jabouti waxaan la kulmay qaar ka tirsan shaqaalaha kala duwan waxaan booqday qol ka mid ah kuwa kaydka waxaa ka socotay hees dib looga dhigaayo waxa loo yaqaano Digital oo markii hore ku duubnayd cajal maydhax ah waxay ahayd hees ay qaado fanaanada reer Jabouti ee FaadumoAxmed Dhimbiil ee tidhaahda” tusmeeye ilaahayaw qof tag darran tiiriyaw tufaaxii aan tirsaday halkuu tagay waad ogtee maruun may soo tustaa”

Markiiba waxaan isku gaystay eryada heesta ku jira iyo qorshihii aniga iyo Sahra habeenki wacnaa aanu baabuurka ku dhex dejinay iyo siday jabouti nook ala qarisay ee allena u ogyahay meesha ay ku sugantahay .markaasi ayaan idhi waaba tufaaxii aan tirsaday.

waxa qoray Cumar Seerbiya