Toosinta iyo Tayaynta Maamulka-Agaasimeyaasha (Qaybtii 2aad) – W/Q: Axmed-Toorno

Maalin dhawayd warbaahintu daabaceen maqaal aan fikirkayga ku cabirayay tayaynta jagooyinka agaasimeyaasha. Maqaalkana waxaan ku cabiraya sida aan xalka u arko; oo ah in agaasime waaxeedyada laga qaado imtixaan, si loogu kala saaro afar kooxood, oo mid walba lagu jiheeyo qorsheyaasha soo socda.

Kow, agaasimyaasha aqoontoodu ku haboon tahay waaxdooda iyo wasaaradooda in loo daayo jagada ay hayaan, oo kor loo kordhiyo mushaharka iyo gunada.

Laba, agaasimeyaasha leh aqoon ku filan, balse hada jooga waax ama wasaarad aan ku haboonayn in loo bedelo waax iyo wasaarad ku haboon.

Saddex, agaasime waaxeedyada leh aqoon, ka hoosaysa heer waax lagu hogaamin karo in loo daayo waaxdooda, balse waajib lagaga dhigo inay gelinka dambe ka qayb galaan waxbarasho uu u fidiyo Machadka Tababarka Shaqaalaha, loona qoro gunno.

Afar, agaasime waaxeedyada imtixaanku muujiyo inaan la tababari karin aqoontooda oo hoosaysa ama da’dooda awgeed ama aan ku qanacsanayn jagada ay hayaan in loo mahadnaqo, la sii daayo, lana siiyo qadar lacageed oo aan ka yarayn toban kun oo doolar ($10,000) oo ay wada bixiyaan dawlada iyo hayadaha caalamiga ah, oo loogu maal geliyo ganacsi dhinaca warshadaha, xoolaha, beeraha, kaluunka, iwm. Hada ogaada 20 agaasime waaxeed oo la ruqseeyaa inay ina kelifaysa $200,000 keliya.

Alle ha ka jasaa’i siiyo agaasimeyaasha iyo shaqaalaha dawladaba inay wasaaradaheena ka soo bilaabeen meel madhan, oo ay soo gaadhsiiyeen heerka ay maanta joogaan.

Allaa mahad leh

Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)