TOOS U DAAWO Dabbaal-degga Xuska Munaasibadda 27aad Guurada Maalinta Qaranimada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Munaasibado loogu dabaal-degayo sanad-guurada 27aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadeeda la soo noqotay ayaa ka socda guud ahaan Gobolada dalka iyo qaybo kamida daafaha caalamka.

Munaasibada ayaa hore looga soo dhigay 18 May oo ku beegan tahay bilowga Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxaana gaardis iyo socod ku maraya jidadka Ciidamada qalabka sida iyo qaybo kamida Bulshada oo isa soo abaabulay.

Jidka hormara qarsiga Madaxtooyada oo ay ka socoto munaasibada ugu weyn ayaa waxa maraya Ciidamada iyo Kooxaha ka socda Bulshada ee Dhoola-tuska samaynaya.

Ardayda Dugsiyada, kuwa Jaamacadaha iyo Ururrada Bulshada ayaa kamida Dadka halkaa socodka ku maraya. sidoo kale shaqaalaha dawladda oo qayb qayb loo soo abaabulay ayaa wehelinaya Kooxaha ay horkacayaan Ciidanka Baambooyada.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan Munaasibada ayaa goordhow la hadli doona Shacbiga, khudbad la xidhiidha sanad-guuradana halkaa ka jeedin doona.

KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE