Dhammaan gobollada iyo Degmooyinka Somaliland oo ay ugu mudan tahay Caasimadda dalku, waxa saaka looga dareeray xuska iyo dabbaal-degga 28-guurada maalinta Qaranimada ee 18 May, iyadoo ay si ballaadhan uga qayb-qaadanayaan Ciidamada Kala duwan ee dalka iyo guud ahaan Shacbiweynaha 12-ka degmo gobol ee Somaliland.
Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal si toos ah looga tabinayo xuska munaasibadda 18-ka May ee Caasimadda Hargeysa.