Toban Askari oo ku dhintay Shil-diyaaradeed ka dhacay Saldhig-Milari oo NATO leedahay

Madrid (SLpost)- Ugu yaraan toban qof ayaa u dhintay, tiro kalena way ku dhaawacantay diyaarad nooca dagaalka ah oo ku burburtay saldhig Milatari oo Ciidamada Gaashaan-buurta NATO ku leedahay dalka Spain, sida ay shaacisay wasaaradda Gaashaan-dhigga ee dalkaasi.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa F-16 ay leeyihiin ciidamada Greek ee ka tirsan Gaashaan-buurta NATO oo cilladi ku timi xilli ay ka duullaysay Madaarka, ayaa dhulka ku soo dhacday waxaanay duqeysay diyaarado kale oo fadhiyey saldhigga Milatari ee Llanos oo ku yaala magaalada Albacete oo Masaafo dhan 260KM dhinaca Koonfur-Bari kaga beegan magaalada Madrid ee caasimadda Spain.

natoSababta shilka ayaa lagu sheegay kaddib markii mid ka mid ah Duuliyayaashu diyaaraddu uu qaatay go’aan la sheegay inuu qaldanaa balse noociisa aan la sheegin xilli ay diyaaraddu ka kacaysay garoonka, sida ay baahiyeen saxaafadda dalkaasi.

Labadii Duuliye ee diyaaraddan waday ayaa ka mid ah dadka ku dhintay shilkan.

Wasaaradda Gaashaan-dhigga Faransiiska, ayaa shaacisay in hal qof oo muwaadiniinteeda ka mid ahi ku dhintay shilkan, halka shan kalena ku dhaawacmeen.

Haseyeeshee, sida uu sheegay Raysalwasaaraha Dalka Spain, Mariano Rajoy, Tobanka Qof ee shilkan ku dhintay ayaa isugu jira Siddeed ka tirsan Askarta Faransiiska iyo laba u dhashay dalka Greek.

natioIn kasta oo aanay beenin isla markaana aanay xaqiijin Wasaaradda Gaashaan-dhigga Faransiiska oo warka raysalwasaaraha Spain wax laga wedyiiyey, haddana warar kale ayaa sheegay in Askarta dhaawacmay intooda badan u dhalatay dalka Talyaaniga, haseyeeshee ilaa immika lama hayo faahfaahin ku saabsan dadka kale ee khasaaruhu ka soo gaadhay shilkan iyo waddamada ay u dhasheen.

Ciidamada NATO ee ku sugan Saldhigga Milatari ee Shilka diyaaradeed ka dhacay, ayaa la sheegay inay u kala dhasheen waddamada Maraykanka, Denmark, Germany, Belgium iyo Britain.

Xoghayaha Guud ee Gaashaan-buurta NATO Jens Stoltenberg oo ka dhacdadan ka hadlay, ayaa yidhi, “Tani waa masiibo saamaynaysa dhammaan isbahaysiga NATO. Waxaan tacsi u dirayaa askarta naftooda ku waayey iyo dalalka ay u dhasheen, waxaanan u rejaynaya inta dhaawaca ah inay si dhakhso ah uga kacaan.”

natooDiyaaraddan ayaa la sheegay inay ka qayb-qaadanaysa dhoola-tus milatari oo aan qayb ka ahayn hawlaha Isbahaysiga NATO, balse ku kooban 10 waddan oo ku heshiiyey inay horumariyaan tabobarrada iyo barnaamijyada horumarineed ee Difaaca Cirka.

SOMALILANDPOST.NET