Tiyaatarka Yaa Lahaa? Axmed Nuur Guruje

Hoyga murtidda iyo madadaaladda (Tiyaatarku) wuxuu ka mid ahaa, goobihii danta guud ee sidda xun ugu burburay, dagaaladdii wadanka ka dhacay .

Markii wadanka laggu soo noqday, tiyaatarka oo ku fadhiyay dhul, balaadhani, wuxuu noqday, goob qashin qub oo xashiishka laggu daadiyo, dadkuna saxaradda kula dhuuntaan.

Sanaddii 1997, goor casara, waxaan kula kulmay, fanaanadda sahra ahmed Jaamac, oo ka heesaysa, qaybta barri ee tiyaatarka oo dunsan, nimam wariyeyaala oo cadaanina kamaraddo ka duubayaan.

Sahri maalintaa, waxay ka heesaysay, iyaddoo qiiraysan, goob dunsan, oo kudaafad xashiisha. Waxaanay qaadaysay hees ay midhaheedda ka mid ahaayeen,

Run baa loo guurayaa,

Riyaa lagaga guurayaa.

Iyo hees kale oo tidhaa,

Qabiil baa la aasayaa,

Dulmaa iil laggu waddaa.

Sahra iyo wariye yaasha la socday, waxay muujinayeen, dayaca iyo burburka ku habaaday, tiyaatarka hargaysa.

Berri dambe, sanaddii, 1999-2000, koox fanaaniina ayaa ka bilowday, olale, ay xashiishka kagga gurayaan, kuna banaynayeen burburkii soo gaadhay.

Ayaamahaana, fanaaniintu, waxay ku heesayeen,

Daawanaayoow waa dalkaaggii .

Wadanka, qof waliba, dhulkiisa iyo hantidiisa, ayuu hagaajisanayay, ugu yaraana ilaashanayay, laakiin tiyaatarka cid ka naxaysa iyo cid dan ka lihi toona may jirin.

Hadday jirri lahayd, ugu yaraan, xashiishka ayay u diidi lahaayeen.

Mar dambe oo ahayd, 2005 ayaa nin ganacsadde ah iyo xukuumaddu ku heshiiyeen dhismaha tiyaatarka, kaasoo ka bilaabay, dhismaha socda.

muranka tiyaatarka iyo lahaan shihiisu waa mid la socday, dhismaha ganacsadaha , iyaddoo aan hortii ciddi sheegan jirin.

Haddaba waxaa muhiima in la fahmo,

– tiyaatarku wuxuu ahaa hanti dawladeed, dawladuna hantideeda inay ku tasarufto xaq bay u leedahay.

– Ganacsadaha tiyaatarka dhisay wuxuu la mid yahay, ganacsatadda kale ee la wareegtay, guryihii dawladda ee faraha badnaa.

Sidaa markay tahay, xukuumadda waxaa ku waajiba, ilaalinta, fulinta iyo xaqiijinta heshiiska ay la gashay ganacsadaha, iyo xalinta khilaafka soo noqnoqonaya.