Tirsiyaga 3aad iyo 4aad ee Taxanaha Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh

cigaal

Qolkii shirka ayaa lagu soo noqday. Liyonaardo Kapuungu ayaa isaga oo faraxsan u kacay dhankii ay Guurtida Somaliland fadhiday. Markiiba wixii weriyayaal joogay ayaa iyaguna dhankaa u ruqaansaday. Laambado aan tiro lahayn ayaa la soo riixay oo la shiday. Makrifoonnadaa ka darnaa. Miiskii shir-guddoonka ayaa lagaga dhawaaqay in uu hadal jeedin doono Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo Ra’iisal-wasaare Soomaaliya hore uga ahaan jiray. Sacab iyo sawaxan ayaa lala oogsaday. Cigaal ayaa hadalkii bilaabay. Markii hore af-ingiriisi ayuu cabbaar ku hadlayay, markii danbena af-Soomaali ayuu u rogtay. Aniga oo aan hadalkiisii oo dhan halkan ku soo wada qaadayn, waxa aan jeclahay in aan soo garoocdo.

 

Maxamed Abshir ayuu ku bilaabay, isaga oo hadalkiisa ballaysin uga dhigay weedh deggenayd oo xurmo iyo maamuusba lahayd. Waxa uu yidhi:

 

“Walaalkay, Maxamed Abshir oo ahaa saaxiibkaygii xabsigu (af-carabi ayuu ku yidhi: ‘Sadiiqii fi sijn’) waa aad og tahay wixii uu Maxamed Siyaad Barre ina soo mariyay.”

 

Cabbaar ayuu xabsigii dheeraa ka yar sheekeeyay. Waxa uu raaciyay:

 

“Maxamed Abshiroow, SNM waxa aad u soo qaadday sidii wax ay ka maqnayd saaxadda dagaalka. Waxa aan kuu sheegayaa in aanaan ka maqnayn, Ururrada Soomaaliyeed ee halkan joogaana giddigood waa walaalahayo oo dibad is-kuma soorno.”

 

Kuma uu raagine markiiba waa uu ka baxay mowduucaa, shakina kuma jiro in uu ogaa wax aanaan ogeyn oo intayadii kale sidaa uma aanu dhadhansan hadalkaa Maxamed Abshir.

 

Khudbaddii Cigaal maalintaa ka jeediyay shirkaa ayaan hadba in idiin ka soo garoocayaaye, bal immikana aan eegno mar uu ka hadlayay maareynta xiisaddii Soomaaliya ka taagnayd. Waxa uu yidhi:

 

“Diinta Kiristanka marka aynu soo qaadanno, haddii uu dhinto wadaadka (Pope) ugu sarreeyaa waxa meel kiniisad ah lagu xereeyaa nimanka la yidhaa Kaardinaallada (Cardinals) si ay u shiraan oo ay u soo saaraan ninkii ‘Pope’-ka noqon lahaa. Cuntada iyo biyaha waa laga jaraa ilaa ay qof doortaan. Marka ay doortaan ayay dab shidaan si qiiqu meel sare uga baxo oo inta dibadda ku sugaysaa u aragto. Marka qiiqaa la arko ayaa biyaha iyo cuntada loola cararaa oo la gartaa in ay go’aan gaadheen oo wax doorteen. Anigu waan garanayaa raggii aan xerayn lahaa ee aan soomin lahaa.”

 

Soomaalidu waa ta ku maahmaahda: “Tol nin u taliyay iyo nin tuugay ayaa yaqaan.”

 

Cigaal isaga oo hadalkiisii wata ayuu isaga oo meel dhexe maraya soo geliyay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah:

 

“Haddaad xilo dooni Xamaro ag joog, haddaad xoolo dooni Xamaro ag joog, haddaad xarrago doonina Xamaro ag joog”.

 

Maalintaa Qolkii shirka lagu qabtay waxa si laxaad leh oo aan la qiyaasi karin u joogay dad faro badan oo dumar u badnaa oo Soomaaliya laga keenay oo lagu meydhaamayay Ururrada Siyaasadeed. Dhaqan ahaan urur walba waxa rasmi ahaan shirarkaa uga qayb geli jiray shan xubnood. Annaga marka nalaga reebo Ururrada Soomaaliya ka socday waxa ay ahaayeen ilaa 16 urur oo u kala qaybsanaa laba kooxood: afar urur oo ku bahoobay SNA oo Caydiid u madax ahaa iyo 14ka kale oo is-bahaysi Cali-mahdi u madax ahaa ka tirsanaa. Maahmaahdaa Cigaal markii ay maqleen ayay oogsadeen oo bilaabeen:

 

“Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada eey, hadba kiinna taag daran, taageera weligiin”.

 

Garo’ oo ereygii Xamaro ayay u qaateen Xamar oo waxa ay moodayeen in uu Cigaal leeyahay mar walba Xamar ag jooga. Cigaal ayaa hadalkiisii sii watay, waxa aanu yidhi isaga oo dareen-habowgaa ka jawaabaya:

 

“Cadkii uu hadalkaasi damqi jiray waa uu naga go’ay.”

 

Waa halkii uu Cigaal ka taagnaa midnimada madhan ee ragga qaarkii halhayska u noqotay. Waxa uu maalintaa Cigaal hadalkiisii ku daray in uu niman halkan fadhiya la soo qaaday hadal ah in halkan lagaga hadlo arrinta Soomaaliya oo aan ta Somaliland lagu soo darin oo ay ku gacan-saydheen; iyaga oo uu ku sheegay in iyaga oo todoba boqol oo kun oo qof Xamar ku dilay ay maanta halkan kaga doodayaan in ay aayaha Soomaaliyeed ka talinayaan.

 

Isaga oo hadalkiisii sii wata, Cigaal waxa uu yidhi:

 

“Arrinka Somaliland halkan maanta ma yaal. Boorame ayaa loo fadhiyaa oo uu yaallaa.”

 

Qas iyo wareer ayaa Qolkii shirka saaqay. Waa la isku yaac-yaacay. Fadhi iyo joog midna waa la xammili waayay. Shir-guddoonkii ayaa dhegta wax isu saar-saaray. Liyonaardo Kapuungu ayaa kursigii uu ku fadhiyay hayn waayay.

 

Dadka meesha fadhiyay wixii aan af Soomaaliga qoon, waa loo tarjumayay oo samaacado ayaa dhegaha ugu jiray. Kolleyba inta aan xusuusto afafka wax lagu tarjumayay waxa ay ahaayeen: Ingiriisi, Faransiis iyo Carabi. Intaa markii uu yidhi ayaa buuqii sii batay. Liyonaardo Kapuungu ayaa u tegay Shir-guddoomiyihii oo ahaa nin diblomaasi ah oo reer Gini (Conakry) ahaa oo la odhan jiray Ambassador Lanzana Kouyate oo beddelay ninkii ka horreeyay ee la odhan jiray Admiral Howe.

 

Liyonaardo Kapuungu ayaa si cadho leh u soo dhaqaaqay oo weriyayaashii Cigaal hor tubnaa inta uu askar soo kaxaystay qasab kaga dhaqaajiyay halkii ay taagnaayeen ee Cigaal hortiisa ahayd. laydhadhkii Cigaal ku shidnaa ee kamirooyinkii loo adeegsanayayna waa la bakhtiiyay. Laakiin makrifoonkii uu shirka kula hadlayay lagama bakhtiin. Rikoodh yar oo aan sitay oo Cigaal hor yaallay ayaan inta aan kacay makrifoon sudhay oo aan Cigaalna makrifoonkii raqabaddii shaadhka ugu xidhay. Khudbaddaa inteedii danbe cajaladdaa ayaanu ku duubannay.

 

Maalintaa subaxnimo ayuu shirka ka hadlayay. Markiiba annaguna waa aanu xanaaqnay oo dhaqdhaqaaq laxaad leh ayaanu samaynay. Malaha Cigaal waxa ay u majeeranayeen wax kale ayay ka filayeen. Tirada ayaa se nimankaa maalintaa ka gedmatay. Cigaal iyo wefdigii Guurtida waxa aanu ku celinnay Hudheelkii ay degganaayeen.

 

Annagu waxa aanu ku soo noqonnay Qolkii lagu shirayay. Markiiba warqad martiqaad iyo ogeysiis isugu jirtay oo af Ingiriisi ah ayaanu garaacnay. Dabaqii hoose oo waraaqaha lagu badin jiray ayaanu la tagnay. Markii aanu soo badsannay waxa aanu la dhex-qaadnay Qolkii shirka, wefdiyadii, diblomaasiyiintii iyo weriyayaashii caalamiga ahaa iyo kuwii gudahaba. Waxa aanu qabanqaabinnay shir-jaraa’id oo Cigaal ku qabanayay Hotel Afrique galabnimadaa, kaas oo uu si faah-faahsan ugaga hadlayay Qalalaasaha Soomaaliyeed iyo sida loo maaraynayo.

 

Hotel Afrique ayaanu tagnay si ay ugu diyaar-garoobaan. Maamulkii Hotel-ka ayaanu arrintii is-la qaadannay. Lacag kiro ah ayaa nala weydiiyay annaguna wax caynkaas ah oo lacag ah ma aanu hayn. Waanu la gorgortannay oo wax ayay naga rideen maa daama aanu maamulka garanaynay oo beryihii aanu halgamaynay ay ka shaqayn jireen dhudheelladii Raas iyo Kaara-mardha ee Diri-dhabe ee aanu macmiisha la jecel yahay u ahayn.

 

Sidii ayuu ku hirgalay shirkii-jaraa’id ee Cigaal oo uu si cad ugu qeexay gooni-isu-taagga Somaliland, weriyayaashii oo ka xanaaqsanaa sidii Qolkii shirka looga dareeriyayna warkii meel walba waa ay ka tuureen. Subaxnimadii dayuurad ayaanu dalbannay sidiina wefdigii Guurtida waxa aanu ugu dirnay Boorame oo uu ka socday Shirweynihii Guurtida ee Somaliland.

 

Maalin iyo laba ka dib ayaanu annaguna ka ambo-baxnay Addis-Ababa annaga oo Qolkii shirka iyo wefdiyadiiba u qaybinnay mowqifkii SNM oo qoraal ah.

 

Intaasi waxay iga ahayd hordhac ah, Cigaal waxa uu ka qabay Qalalaasaha Soomaaliyeed ka hor intii aan loo dooran Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Laga bilaabo maalintaa ilaa 3dii Meey 2002da oo ahayd maalintii uu geeriyooday Cigaal waxa uu aamminsanaa in:

 

  • Maareynta Qalalaasaha Soomaaliyeed lagu koobo Soomaaliya,
  • Ka dibna labada dal ay ka wada hadlaan aayahooda iyaga oo laba Jamhuuriyadood ah, sidii ay lixdankiiba u ahaayeen labada dal,

 

Bal aynu u soo daadegno Aragtidii Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliyeed intii uu hayay xilka Madaxweynenimo ee Somaliland.

 

Markii uu dhammaaday Shirweynihii Guurtida ee Somaliland ee Boorame, halkaas oo Cigaal loogu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ergooyinkii waxay u kala baxeen meelihii ay ka yimaaddeen. Cigaal waxa uu u soo ambo-baxay magaalada Hargeysa 26/5/1993kii, isaga oo habeenkaa ku dhaxay magaalada gebilay. 27/5/1993kii ayuu soo galay Hargeysa oo loogu soo dhaweeyay si la yaab leh oo aan hore loo arag. Xusuusteenna ayaan fiicnayne, haddii aad dib u daawato cajaladihii maalintaa la duubay waxa aad la xidhiidhinaysaa sidii loo bilay aaskiisii. Maalintaa Kheyriyada ayuu dadkii isu soo baxay kala hadlay.

 

30/5/1993kii Cigaal waxa uu ku dhawaaqay dhowr ka mid ah xubnihii Golihiisa Wasiirrada, dhowr maalmood ka dibna waxa uu khudbad ka jeediyay Kheyriyada. Waxa aan ka mid ahaa dadkii goob-joogga ka ahaa ee dhegeysanayay. Dadkii maalintaa dhegaysanayay aad ayay uga yaraayeen dadkii soo-dhawayntiisa u soo baxay 27/5/1993kii. Sida ay ila tahay yaraanta dadkii soo baxay maalintaa waxa u sabab ahaa saluug ay dadku ka muujiyeen xubnihii Golaha Wasiirrada ee uu magacaabay. Dareen aan qarsaday ma ahayn ee Cigaal inta aan xafiiskiisa subax ugu tegay ayaan weydiiyay sida uu u macnayn karayo dad badnaantii maalintii uu Hargeysa soo galay iyo dad yaraantii maalintan danbe. Taasi waa mowduuc kale e’ aan ku soo noqdo khudbaddii uu maalintaa danbe Kheyriyada ka jeediyay. Hadalku waa uu dheeraa, waxa se wax ka soo qaad lahaa Aaragtidii Cigaal ee maalintaa ee Qalalaasaha Soomaaliyeed.

 

Maalintaa isaga oo ka hadlayay Soomaalinnimada, hadalladii uu ku tiraabay waxa ay ahaayeen isaga oo yidhi kama aynu bixin Soomaalinnimadii. Waxa uu intaa raaciyay: “Lixdankii ciid xun ayaa lagu abaqaalaye, maanta ciid wanaagsan ayaynu doonaynaa in aynu ku abaqaalno.”

  

Isaga oo xilka ku cusub ayuu hadalkaa Kheyriyada ka yidhi. Markiiba dooddu waa ay bilaabantay, maalintaa iyo maalmihii xigayna waa lagu qayilayay. Cigaal laguma aqoon qof dareenkiisa qarsada. Kor iyo hoosba waa uu u odhan jiray. Cigaal wuxu ahaa nin hal-adag. Sidaa ayuu midnimada u arkayay. Eedda midnimada ma uu saarayn. Midnimadu isaga waxay ugu xidhnayd ujeeddada laga leeyahay, sida loo hanto iyo sida hadba loogu adeegsado himilooyinka laga leeyahay. Ma ahayn nin inta uu meel fog tago ibriiq ku addima oo midnimo madhan ka sheekeeya.

 

Bal aynu in yar dib ugu noqonno lixdankii oo ay xummaddii Midnimadii Soomaaliyeed heerkeedii ugu sarreeyay taagnayd. Midnimadu beryahaa hadaaq iyo halhaysba waa ay noqotay. Xuduud ma ay lahayn. Waxa laga hadli jiray beryahaa Shanta Soomaaliyeed oo kala ahaa: Somaliland, Soomaaliya, Xeebtii Soomaaliyeed ee Faransiisku gumeysan jiray (Jabuutida maanta), N.F.D iyo Soomaalidii Galbeed (Kililka 5aad ee maanta). Midnimada Soomaaliyeed iyo Soomaali-weynba waa la odhan jiray. Waxa ay ahayd riyo la jeclaa in ay rumowdo. Waa loo hawl-galay, suugaan badanna waa laga tiriyay.

 

Iyada oo aragtidaa la wada rumeysnaa laga dhaqaaqayo, 26kii Juun ee 1960kii waxa xoroobay Somaliland, afar maalmood ka dibna oo ku beegnayd 1dii Juulay 1960kiina waxa xorowday Soomaaliya, is-la maalintaana waxa la xaqiijiyay oo la dhaqan geliyay is-raacii labadii dal ee xornimada qaatay. Sababta is-raacaa ama isku-darkaa loo hirgeliyay waxa ay ahayd iyada oo la daba-socday xaqiijintii Soomaali-weyn ama mideyntii shantii dal ee Soomaaliyeed. Maalmaha cidina is-raacaa qalad uma arkayn oo waa la aamminsanaa, mar danbe ayaa la haaraamayaa. Cigaal wuxu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii is-raacaa dhaqan geliyay raadintii gobolladii kalena u hawl galay.

 

Waxba ku noqon maayo wixii dhacay, waxa aan se jeclahay in aan halkan ku caddeeyo in aanu is-raacu hiifka iyo haaraanka geyin ee ay canaanta lahaayeen dadkii majaro-habaabiyay ee milgaheedii lumiyay. Bal hadda aynu ku yar nasanno Maansadii Timacadde ee Guubaabo ee uu tiriyay 1970kii, taas oo uu ku guud-marayay waxyaabihii dhacay:

 

Muddaba gabayga waa taan ka tegay, mahadhadiisiiye,

Mankii ararta iyo faalladii, wayska meel-dhigaye,

Ma muquunin maansooyinkaan, maakibayn jiraye,

Ma makeekiyee gabay markaan, aad u kala miidho,

Mayalkiisa goortaan qabteen, meydalka u fuulo,

Ama uu muuqdo weligiiba wuu, ii macaan yahaye,

An macneeyo caawana tixday, muhatay laabtaydu,

 

Muramii gumeysiga markii, la isku maan-dhaafay,

Magliyada markii laysla galay, labada meeloodba,

Muqdishiyo Hargeysaba markay, murugtayee reentay,

Maatida markay guranayeen, labadii maalooti,

Maandeeq markay foolatee, madasha loo joogay,

Mataanaha dharaartay dhashee, loo mashxaradaayay,

Kala meer intaan labada calan, miridh is-weydaarshay,

 

Rabbi mahad-niqiisii markaan, anigu miisaayay,

Muskii Baarlamaannada markaan, meel isugu geynay,

Madaxweynayaal iyo markii, Minister loo doortay,

Maskaxdii wacnayd iyo dadkii, meel u wada jeeday,

Nimankii melmelay waa kuwii, maalay keligoode,

 

(La soco……………………………..)