Tirada Xoolo iyo Dad ku Halligmay Dooni Ganacsato Somaliland u dhalatay u Rarneyd oo Ku Degtay Biyaha Gacanka Cadmeed

Doonta Dekedda BerberaBerbera (SLpost)- Dooni u rarneyd Ganacsato Somaliland oo afar maalmood ka hor dekedda Berbera ka qaadday Xoolo tiradooda lagu qiyaasay Kun Neef oo isugu jiray Lo’ iyo Adhi iyo toban Qof, ayaa la sheegay inay ku degtay biyaha Gacanka Carbeed, xoolihii iyo dadkii saarnaana ay ku naf-baxeen.

Ma jiro war-rasmi ah oo xaqiijinaya qarraqanka Doonta oo ka soo baxay maamulka dekedda Berbera, haseyeeshee mid ka mid ah Ganacsatada Doonta xoolaha saartay oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Abuubakar oo  khadka Telefonka isaga oo ku sugan magaalada Berbera kula soo xidhiidhay Wariye ka tirsan shabakadda Somalilandpost, ayaa caddeeyey in Doontaasi ay deg-degtay isla markaana wixii saarnaa ay ku halligmeen.

Maxamed Waxa uu sheegay in isaga iyo ganacsato kale ay oo uu ku jiro ay Xoolaha Saareen Doonta, taas oo afar maalmood ka hor ka shiraacatay Dekedda Magaalada Berbera ee Xarunta Dhaqaalaha Somaliland, iyada oo ku sii jeedday Dekedda Xumuz ee Woqooyiga Dalka Yemen.

Lama-garanayo sababta rasmiga ah ee Shilka Doontan, haseyeeeshee waxa todobaadyadii u dambeeyey biyaha Gacanka Cadmeed oo barbarka ku haya badweynta Hindiya ka dhacayey Dabaylo xooggan oo ka dhashay isbeddelka cimillada oo saamayntoodu soo gaadhay Xeebaha Galbeed ee Dalka.

Sidoo kale, Lama garanayo haddii ay jiraan cid ka badbaadday Shilka Doontan iyo Meesha ay kaga degtay Biyaha Gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Jaziiradda Carabta.

La soco Wixii Warar ah ee ka soo Kordha….,,,,,,,,

SOMALILANDPOST.NET