Tirada Xoolaha Bishii u dambaysay ka Dhoofay Dekedda Berbera

Berbera (SLpost)-Dhaq-dhaqaaqa dhoofka Xoolaha nool ayaa maalmaahan si weyn looga dareemayaa Dekada Magaalada Berbera iyada oo Maraakiib sida Xoolo tiro badan ay ka goosteen dekeddaas.

Dekeda Magaalada Berbera waxa maanta ka goostay markab qaaday Xoola gaadhaya ilaa boqol kun oo neef  oo is-kugu jiray  in ka badan soddon Kun oo Geel ah iyo Shan iyo Siddeetan kun oo Adhi ah, iyada oo ay wali dekedda Magaalada Berbera taagan yihiin Maraakib badan oo sugaya inay Xoolaha ka qadaan.

Isuduwaha Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee Gobalka Saaxil Maxamuud Guuleed Diireye ayaa ka warbixiyey tirada xoolaha dhoofay iyo kuwa ay Maraakiibtu dekedda u taagan yihiin, ayaa yidhi, “Caawaoo kaliya waxa Dekeda magaalada Berbera ka dhoofaaya Markab qaadaya shan iyo siddeetan kun oo neef oo adhiya iyo boqol iyo todoba iyo sodon kun oo Geella. Waxa kale oo isaguna xidhan Markab qaadaya shan iyo sodon kun oo Adhiya. Intaas waxa dheer ilaa bisha kawdeedii waxa dhoofay ilaa xoola gaadhayaa laba boqol oo kun oo neef oo Adhiya. Haddii Markabkan lagu darana waxa uu noqonayaa Saddex boqol oo kun oo adhiya ayaa ku dhoofay muddo labaatan cisho ah,”ayuu yidhi Isuduhu wasaaradda Xannaanada xoolaha Gobolka Saaxil.

Dekedda Magaalada Berbera ayaa lagu wadaa inay sannadkan ka dhoofaan saddex Milyan oo Xoolo isugu jira Adhi, Lo’ iyo Geel iyada oo lagu gudo jiro wakhtigii diyaar garowga Xajka ee xoolaha ugu badan u dhoofi jireen dalka Sucuudiga iyo waddamada kale ee Carbeed.

Somalilandpost.net